Xasan Goodir oo loo Doortay duqa magaalada Garowe

20 Agoosto 2015 (Puntlandes) Duqa Caasimada Puntland ee Garowe ayaa waxaa loo doortay maanta Xasan Maxamed Ciise Goodir oo kamid ahaa musharaxiinta u tartamaysay xilka duqa Garowe.

55

Doorashada Duqa Garowe oo ay isku soo taageen 5 musharax ayaa waxaa wareega labaad ee doorashada usugu soo baxay Cawil Sheikh Xaamid iyo Xassan Maxamed Ciise Goodir, Cawil Shiekh Xaamid ayaa wareega labaad ee doorashada helay 12 cod halka Goodir oo ku guulastay gudoomiyaha uu helay 15 cod

Doorashadaan ayaa Dharbaaxo siyaasadeed ku ah madaxwayne GAAS maadaama looga Guulaystay Musharixii uu taageerayey Axmad Siciid Geele (Shoodhe).

Madaxweyne ayaa doonayey inuu kusoo baxo Duqa magaalada Garowe qofka uu wato taasoo uu ku guul daraystay. Duqa cusub ayey waxay isku Beel yihiin Gudomiyaha gobolka Nugaal.

Puntlandes.com

About The Author