Dhagayso: GAAS ”U malayn mayo inay Soomaaliya ka Musuqmaamuq badan tahay Itoobiya”

20 Agoosto 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS ayaa ku eedeeyey Hay’ada Transparency International ee cabirta Musuqmaasuqa Aduunka inay Laaluush ku qaadato Shaxda ay ku Cabirto Musuqmaasuqa Aduunka uusana ahayn mid sax ah.

GAAS ayaa hadalkiisa ku bilaabaya ”Dacwad ayaan ka qabnaa Transparency International hadaanu nahay Soomaali”

Waxa kaloo GAAS oo aad moodo inuu noqday AFHAYEENKA Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in la laaluusho Transparency International ayna ku salaysan tahay Laaluush warbixinta ay soo saarto Transparency International.

1

Shaxda ay soo saartay Transparency International oo uu GAAS ka difaacayo Musuqmaasuqa lagu eedeeyey DFS ayey Soomaalya kaga jirtaa liista 174 wadamada ugu Musuqmaamuqa badan iyadoo ay ka Musuqmaasuq badan yihiin laba Wadan oo kaliya Aduunka.

Waxaa aqoonyahanada Faaqida Arrimaha Puntland iyo Soomaaliyaba la yaab ku noqotay eedaynta GAAS ee Transparency International, difaaca DFS iyo dawlada Itoobiya oo uu la meel dhigay DFS xagga Musuqmaasuqa taasoo ah wax dadka waawayn iska daaye CARUURTU KU QOSLAAN!!!

”Aqooneey Xaal qaado” ayuu hadalkiisa kusoo koobay nin oday ah oo reer Mudug oo ay Warbaahinta Puntlandes wax ka waydiisay DIFAACA GAAS EE DFS iyo u Gefida dawlad dhan, Itoobiya,   oo deris ah una Shaqaynaysa dadkeeda oo uu GAAS barbar dhigay tan DFS ta oo ka shaqaysanaynsa dadkeeda.

Dhagayso madaxweyne GAAS oo eedaynaya Transparency International


Puntlandes.com

About The Author