Garowe oo Dukaamada waaweyn la xiray kadib markii Canshuur badan la saaray

21 Agoosto 2015 (Puntlandes) Caasimadda Puntland  ee Garowe ayaa waxaa maalinkii 3aad Xiran dukaamada waawayn ee gada badeecooyinka kala duwan, iyadoo ay tahay sababta loo xiray kadib markii ay Xukuumadda GAAS kusoo rogtay Canshuur aad u fara badan.

55d

Dukaamada waawayn oo haystay macaamiil fara badan ayaa gabi ahaanba aan shaqayn sadexdii maalmood ee u dambaysay. Milkiilayaasha ayaa waxay ka cabanayaan in la dul dhigay canshuur badan oo ay sheegeen inaysan iska bixin Karin.

Dawladda GAAS ayaa usoo jeesatay sidii ay ku kordhisan lahayd lacagta usoo Xaroota iyadoon wax tixgelin ah siin Muwaadiniinta reer Puntland.

Dawladda GAAS ayaa waxay Caadaysatay inay kordhisato Dakhliga usoo xarooda iyadoon hadana wax Mushahaaro ah aan siinin Shaqaalaheeda iyo Ciidamada Dawlada oo aan qaadan wax Mushaar ah muddo 6bilood ka badan.

About The Author