(XOG) FADEEXAD-Daawo Video: GAAS & C/weli TAAR ma waxay moodeen inay Shacabka Mudug Qaldi karaan?

21 Agoosto 2015 (Puntlandes) Maalinkii shalay ayaa madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali GAAS iyo taageerayaashiisu waxay Saxaafadda usoo bandhigeen Riwaayad ah in Milkiilaha Hotel TAAR Cabdiwali Cali Taar uu ogolaaday in Hoteelkiisa oo ku yaala Gaalkacyo oo la sheegay inuu Jid ku soo aaday qayb ka mida laga Dumiyo.

Daawo Riwaayada GAAS

Hadaba waa kuma Cabdiwali Cali Taar?

Cabdiwali Cali Taar waa nin ay Jifo hoose yihiin madaxweyne GAAS oo ay kasoo wada jeedaan Jifada reer Cabdile ee Cumar Maxamuud. Cabdiwali Cali Taar waa Ganacsade ka sameeyey Hanti Fara badan Shirkad la oran jiray Hart-Group ee ka Shaqaysan jirtay Badda Puntland taasoo uuba ka dhistay Hotel TAAR.

Muxuu hadda Taar ka yahay Puntland ta GAAS?

Cabdiwali Cali Taar waa nin ka mida labada nin oo uu madaxweyne GAAS qandaraas ku siiyey inay ahaadaan Ciidanka Badda ee Puntland ilaaliyaana Badda Puntland iyadoo ay joogaan Ciidankii Badda Puntland.

Puntland oo dhan ayuu Taar Baddeedii iyo Dhaqaaleheedii gacanta ku hayaa, ee maxay u tahay DERBI yar oo la doonayo in Shacabka reer Gaalkacyo lagu qaldo.

Oday waxgarad ah oo reer Mudug ah oo Warbaahinta Puntlandes wax ka waydiisay arrinkan ayaa isagoo Qoslaya kusoo gaabaiyey hadalkiisa ”Adeer Ilma Adeer waa in istaqaan” isagoo ula jeeday inay reer Mudug isyaqaanaan aysana isku dhuuman karin.

Hoos ka akhriso kana daawo qoraal ay Warbaahinta Puntlandes ka samaysay markuu GAAS Baddii Puntland ku wareejiray laba wiil oo ay ilma adeer yihiin.

Fadeexad: Madaxweyne Gaas oo Puntland Ciidamadeedii si xawli ah u baabi’inaya, Kuwii Badda oo maanta loo soo jeestay!

Filed under: Wararka maanta |

2029m

Waa Fadeexad, maamulxumo iyo qar iska xoor ah waxa uu ku dhaqaaqay maanta madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, isagoo Ciidankii Xooga badnaa ee Ciidanka Badda Puntland uu ka dul tilaabsaday booskoodiina ku tilmaamay Ciidanka Badda Puntland Malayshiyo ay hayb hoose wadaagaanGaas oo ay soo uruursadeen laba nin oo ay Gaas iski jufo yihiin.

2029l

 

Labadaa nin ayaa waxay kala yihiin Abdiwali Cali Taar  iyo Cabdixakiim Yuusuf Xuseen Oo ay Jifo Hoose yihiin Madaxweynaha Puntland ee Qabyaaladu dilootay. Labadan nin Badda Puntland Maanta lagu wareejiyay ayaa  Abdiwali Cali Taar  wuxuu ahaa Ninkii Maamulayay Shirkadii Hart-Group ee Maafiyada ahayd. Shirkadaasi waxay Badda Puntland ku shubtay Qashinka Nuclear ah Iyo Qashinka Warshadaha Iyo Isbitaalada ka soo hara. Ninka kale waxa uu iminka ku magaacan yahay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen. Labaatameeyada Malayshiyada ah oo la yiri waa Ciidan Badna waxaa soo uruuriryey labadooda waana Malaysiyo ay isku jifo yihiin sida Warbaahinta Puntlandes la soo gaarsiiyey.

Waxaa yaab ku noqotay shacabka reer Puntland ee samaha iyo dawladnimada jecel in Ciidankii badda ee Puntland ee aadka u qalabaysnaa shaqadoodii uu madaxweyne Gaas u dirto wiilaal ay isku jifo hoose yihiin!! CAJIIB

Madaxweyne Gaas ma wuxuu ku doodidoona waxaan u diiday Ciidankii Badda Puntland madaxweynihii hore ee Puntland Faroole ayaa aasaasay? Maxay tahay waxa uu Gaas shacabka Puntland u sheegidoono ? mise Puntalnd-ba wuxuu ka dhigay Shirkad Jifo leedahay?

Ma jiro miyaa Baarlamaan la xisaabtama Gaas mise siduu doonuu Puntland u geli karaa?

Hoos ka daawo sawirada Ciidan Badda Puntland iyo Malaysiyadii maanta la shaaciyey.

2029f

2029e

2029c

2029b

2029a

2029f

 

2029

2028b

2028

2029i

2029k

2028c

2029h

Puntlandes.com

 

About The Author