Daawo Video: Gudoomiyaha Gegmada Gaalkacyo oo Shacabka si Foolxun ula dhaqmaya xili uu Fulinayey Amarkii GAAS

22 Agoosto 2015 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gegmada Gaalkacyo Cabdicasiis Jaamac Nugaal ayaa wuxuu ula dhaqmay Shacabka CANSHUURTA BIXIYA ee Gaalkacyood si aad u Foolxun oo Mas’uul dawladeed ula dhaqmin Shacabkiisa xili uu Fulinayey Amarkii GAAS ee ahaa in la Barajiyo reer Gaalkacyood iyadoo 60% magaalada uu yiri qaarna ha la iiga guuro qaarna waan burburinayaa isagoon keenin wax Qorshe ah.

56b

Gudoomiyaha Gegmada Gaalkacyo Cabdicasiis Jaamac Nugaal ayaa wuxuu ka dhex muuqanayaa VIDEOWGAN isagoo ASKAR ku dalbanaya, handadayana Haween Masaakiin ah oo nolol maalmeedkooda ka raadsada Goobo ganacsi oo yaryar oo ku yaala Magaalada Gaalkacyo.

Riyada GAAS ee uu Gaalkacyo la yimid

Waxaad moodaa madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS oo marba wax aan macquul ahayn isaga RIYOODA sida go’aamadan Hoose oo aan Fulin, fulina karin:

  • Mabnuucidii in lagu dhex wato Puntland Baabuurta Isteerinka ama Shukaanta ku leh Midigta
  • Mabnuucidii in Hub lagu lahaado ama haysto Puntland
  • Mabnuucidii in Puntland bilaha qaarkood Aargoosatada iyo Kaluumo kale laga Kaluumaysto
  • Mabnuucidii Bacaha
  • iyo kuwo kale

Riyooyonkii GAAS ee noocaas ahaa ayuu maanta GAAS la yimid Gaalkacyo isagoo ku RIYOODAY inuu magaaladda Shacabka ka barakiciyo 60% oo ka mida taasoo keenaysa Cawaaqib xumo aad u foolxun. GAAS kama uusan fiirsan go’aankan sidii uusan uga fiirsan go’aamadii horay uu u gaari jiray.

Banaynta Guryaha Dawlada

Waa waajib mana ahan wax qofku isku dhejin karo laakiin waa marka ay dawladu u baahato Dhulkaas ama gurigaas inay Bulshada ugu shaqayso, ee maaha in la RIYOODO kadibna la dhaho Shacabka waan ka saarayaa Guryaha Dawlada iyadoo aysan jirin Baahi ay dawladu u qabto.

Wado Banaynta Gaalkacyo

Iyana waa wax aad u fiican anfacayana dhamaan reer Gaalkacyood ayna tahay ruux walba inuu kala shaqeeyo dawlada.

Shakiga ay reer Gaalkacyo Qabaan

Ugu dambayntii waxaa jira Shaki wayn oo ku saabsan sababta uu GAAS shacabka uga Barakicinayo Guryihii iyo Xerooyinkii ay lahayd dawladii hore ee Soomaaliya maadaama ay muuqato inaysan dawlada GAAS Isticmaali karin dhamaan. Shakiguna waa tan Xamar ay ka wadaan Kooxda DAM JADIID oo ah Gadida Dhulkii iyo Guryihii dawlada Soomaaliya lahayd taasoo la aaminsan yahay inuu GAAS soo Koobigareeyey, isagoo aad ugu fiican Ku dayashada.

Isku soo wada duuboo Maanta Reer Gaalkacyood waxaa haysta Xaggee u ciirsadaa?

Daawo Cabashada Shacabka

Puntlandes.com

About The Author