FADEEXAD-Dhagayso: GAAS oo Cadeeyey inuu ku guuldaraystay Beekhaaminta Miisaaniyada Dawlada PL

22 Agoosto 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali GAAS ayaa Dood ay soo qabanqaabisay Hay’ada HAYAAN  oo uu kaga qayb galay Gaalkacyo waxa uu si cad u sheegay inuusan maarayn karin isku dheelitiska Dakhliga soo gala iyo Qarashka ka baxa dawlada Puntland.

GAAS ayaa ku sababeeyey inay taasi sabab u tahay in Shaqaalaha Dawlada Puntland iyo Ciidamadu waayaan Mushahaarkoodii ay Xaqa u lahaayeen oo aysan helin mudo.

Pofosorka ku takhakhusay Cilmiga Dhaqaalaha ayaa waxa uu sheegay inay iska Caadi tahay in dawladuhu ay Dheelitiri waayaan Dakhliga iyo Qarashkooda laakiin ay isticmaalaan oo ku wadaan hawlaha dawlada laba arimood midkood kuwaas oo uu ku sheegay:

2-Inflationary finance:  Miisaaniyad sicir barar wadata taasoo ah inay dawladu Lacag soo daabacdo kadibna ay isticmaasho. Waxaa xusid mudan in ay tani tahay awood ay dawladi u leedahay inay lacagteeda soo daabacdo laakiin sida aad magaca ka aragtaan waxay wadataa Dhibaato Dhaqaale oo aad u baaxadwayn iyadoo abuurta SICIR BARAR AAD U XUN.

Lagama garanayo sababta uu GAAS arinkan lacag samaynta usoo hadal qaaday waliba isagoo ka dhigaya inay tahay had ay dawlada Caalamku si caadi ah u isticmaalaan.

Aqoonyahano wax odorasa oo ay Warbaahinta Puntlandes wax ka waydiisay ayaa waxay leeyihiin waa Xalaalaysi uu GAAS doonayo inuu ku Sharciyeysto Lacagta Shilin Soomaaliga ah ee uu bilihii u dambeeyey ku daabacayey Bangiga Magaalada Bosaso taasoo u Qorshaysan inuu dhawaan Suuqa soo geliyo.

2-coupon: Tan labaad ayuu GAAS ku sheegay dayn ay dawladu ka qaadato Shacabkeeda isagoo taas ka dhigay inaysan Dawlada Puntland suurtogal u ahayn.

Isku Dheelitir Dakhli & Qarash

Ma jirto aduunka sida GAAS u dhigay dawlad Miisaaniyadeeda ku salaysan tahay Dayn joogto ah iyo Daabacasho lacag Dhaqaale xumo ku keenaysa dadkeeda, laakiin wax la yiraahdo ”deficit” hoos u dhac Dakhli ayaa ku yimaada dawladaha xiliga Dhaqaalaha Aduunku uu ku jiro ”Recession” waxaana meel wax loo sii dhigtaa marka uu Dhaqaalahu Fiican yahay ” boom” yahay, waana wax la iska yaqaano xiliga mid walba uu soo socdo ama lagu jiro.

Haddii aynu hadalka si kale u dhigno dawladii aan Xiliga Dooga ama barwaaqada ” boom” aan kayd samaysan ayaa waxay ku qasban tahay inay xiliga Jiilaalka ama Abaarta ”Recession” wax soo daysato.

14e

Tan iyo markuu xilka madaxtinimada Puntland la wareegay GAAS 08 janaayo 2014 waxa Puntland soo foodsaaray Dhaqaale Xumo aad wayn isagoo GAAS uu ku guuldaraystay inuu Bixiyo Mushahaarka Shaqaalaha sida uu Qirtay. Waxaana la wada ogyahay inuu si Xad dhaaf ah sare ugu qaaday Dakhliga soo gala dawladiisa isagoo abuuray Canshuuro Cusub oo aan Puntland laga qaadi jirin. Waxaa kaloo la ogyahay inuu GAAS yahay madaxweynihii ugu horeeyey ee ku Guuldaraysta Bixinta Mushahaarka bilowga xiligiisa madaxtinimada. Suaashu waa xaggee maraa Dhaqaalaha fara badan ee usoo xarooda Puntland? ma GAAS ayaa u uruursanaya 2016ka mise?

Waxaa kaloo Dhibaato horleh ku ah Shacabka reer Puntland Lacagta Faalsada ah ee uu GAAS doonayo inuu Suuqa soo geliyo si uu Doolar Shacabka uga qaato.

Waxaa kaloo wax la iswaydiiyo ah GAAS xili walba ma Abaar buu ku jiraa? Soomaalida ayaa waxay tiraahdaa ”Ama Talo keen noqo ama Talo raac noqo” GAAS talona ma ogola waxaana haysata maamulxumo aad u wayn.

Dhagayso GAAS


Puntlandes.com

About The Author