Daawo Video: Xildhibaanada DAAROOD & MEHERI ee BFS ee kasoo jeeda KGS oo dhaliil ujeediyey Shariif Xasan

23 Agoosto 2015 (Puntlandes) Waxaa ka dhacay magaalada Muqdisho kulan ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Beelaha DAAROOD iyo MEHERI ee Baarlamaanka DFS kuwaasoo ka jeeda KGS iyagoo dhaliil wayn u jeediyey madaxweynaha KGS Shariif Xasan.

57b

Xildhibaanadan ayaa waxay ku hadlayeen codka dadka dega sadexda Degmo ee Yeed. Aato iyo Ceelbarde ee Gobolka Bakool iyo iyagoo wax ka dega labada degmo ee kale ee Gobolka ee Waajid iyo Xudur iyo waliba qaybo badan oo ka mida Gobolka Shabeelaha Hoose iyo magaalada Baydhabo.

Xildhibaanadan ayaa u digay Shariif Xasan iyagoo sheegay inay ka go’i doonaan haddii uuasan xaqooda siin dadka halkaas dega. Beelaha DAAROOD iyo MEHERI ayaa waxay ku leeyihiin maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Degaano balaaran laakiin waxa aad moodaa inuu madaxweyne Shariif Xasan u jeedin Beelahaas isagoo indhihiisu arkaan meelo kale.

Dadka wax odorasa ayaa waxay ka cadsi qabaan inay tani horseedo Colaad hor leh iyo inuu dhismi waayo maamulka KGS haddii uu kusii adkaysto Shariif Xasan.

Daawo Xildhibaano 40 gaaraya oo u digay Shariif Xasan

Puntlandes.com

About The Author