MAQAAL: Lacag Faaliso ah Faa’iido ma u leedahay Puntland?

57c

Laga soo bilaabo markii uu burburay nidaamkii militariga ahaa ee uu hoggaaminayey Maj. General Maxamed Siyaad Barre horraantii sannadkii 1991-dii, Soomaaliya ma lahayn nidaam maaliyadeed oo lagu kalsoon yahay oo shaqaynaya inkastoo Dawlad Goboleedyada iyo Xukuumadda Dhexe ay xilliyo kala duwan qaadeen tallaabooyin dib loogu hirgelinayey hay’ado maaliyadeed oo aan si habsami ah oo la aamini karo u shaqaynayn laakiin u hawlgelayey iney ka ka jawaabaan baahiyo gaar ah oo loo qabay. Qaran-jabka ku dhacay Soomaaliya ma saamayn oo keliya dhinaca hay’adaha siyaasadda oo keli ah ee waxaa burburay dhammaan qaab-dhismeedyadii dawladnimo iyo kuwii danta guud. Marka la eego dalalka siyaasad ahaan u burburay, waxaa tusaale xilli dhow ah loo soo qaadan karaa Libya oo uu meesha ka baxday nidaamkii siyaasadeed ee dalka isku haye, hase ahaatee, iyadoo siyaasadda lagu kala tegay oo la kala qoqoban yahay, waxaa sii shaqaynaya hay’adaha maaliyadda iyadoo xilliyadii danbe la arki karay Bangiga Dhexe oo ka shaqaynaya magaalooyin ay kala haystaan kooxo aragtida siyaasadda iyo aydaloojiyadda ku kala duwan, waxana hay’adaha daweynaha loola wada dhaqmaa si ixtiraam ku jrio si adeegga iyo nolosha daweynuhu si wanaagsan ugu socoto.

Marka loo soo laabto dalkeenna Soomaaliya, waxaa hal mar wada dumay dhammaan hay’adihii dawladda ee caamka ahaa oo ay ka mid ahaayeen kuwii maaliyadda ee bixinayey adeegyada dhinaca maaliyadda. Inkastoo haatan wax walba si tatriib tartiib ah u soo hagaagayaan, haddana waxaa jirta wadda dheer oo ay tahay in la maro si wax walba loo caadiyeeyo.

Dawlad Goboleedyada Soomaaliya iyo Dawladda Dhexe ee Federaalka ah ee curdinka ah, waxaa hay’adahooda maaliyaddu ugu tayo iyo fac weyn Somaliland oo hirgelisay Bangi Dhexe iyo lacag gaar ah oo la yaqaan cadadkeeda si loo kantaroolo suuqa iyo sarrifka lacagaha qalaad, loona ilaaliyo dhaqaalaha iyo nolosha dadweynaha, inkastoo hay’adahooda maaliyadda laftigoodu aanay ceeb ka nasahnayn, waxaase la oran karaa waxay ka soo gudbeen caqabado soo bixi lahaa haddii aanay unkanayn.

Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo la asaasay sannadkii 1998-dii waxaa tan iyo xilligaasi ka jiray xaalad ka duwan marka loo eego gobolada koonfurta iyo bartamaha dalka, laakiin waxay la wadaagaan duruufo badan oo dhaqaalaha iyo dhinacyo kale ah. Dhanka maaliyaddu oo su’aasheennu tahay, Puntland wax weyn kama gedisana koonfurta iyo bartamaha Soomaaliyada iyadoo Bangiga Dawlad Goboleedka ee Puntland (Puntland State Bank) uu maareeyo keliya dhaqaalaha maamulka ama dakhliga iyo kharashaadka baxaya, laakiin ma sal goyn karo suuqa iyo sicirka iyo qiimaha ee lacagaha kala duwan ee seyladaha yaalla ama la isticmaalo, taasina waxay ka dhigtay in uu noqdo sidii bakhaar lacagta la geliyo oo  lagana saaro. Maaddaama aanu awood u lahayn in uu suuqa la socdo sababa jira oo badan awgeed oo ay ka mid yihiin lacagaha la isticmaalo oo kala duwan iyo lacagta Shiling Soomaaliga oo u badan been abuur ama faaliso oo xilliyo kala duwan la sameeyey, isla markaana meelo kala duwan oo dalka iyo dibadda ah lagu daabacay, una furan iney ku wareegto gobolada dalka oo dhan iyadoo taasi keentay in aan la ogaan karin tirada lacagta Shilin Soomaaliga ah ee suuqa ku wareegysa iyo tan lacagaha qalaad ee iyana suuqa taalla.

Cashar Dhaxalgal ah

Xilliyo dhawr ah, waxaa Puntland ka dhacay sicir-barar iyo qiimo-beel lacageed ka dib markii la daabacay lacago faaliso ah oo ay kala lahaayeen shakhsiyaad gaar ah iyo maamulka ama labada dhinacba ay shuraako ku ahaayeen oo ay wadaageen. Sicir-barar iyo qiima dhaca lacagta ku yimaada waxa uu saamaynayaa awoodda wax soo gadashada ee guri walba ama dadweynaha, waxana taasi marka ugu danbeeya ay dhibaato u keenaysaa dhaqaalaha guud iyo wax soo saarka. Xilligii uu Cadde Muuse madaxweynaha ka ahaa Puntland, ayey si weyn u soo ifbaxday daahirada lacagaha faalisada ah ee gudaha lagu daabaco oo ay wadeen rag dhawr oo maamulka ku jiray iyo qaar ganacsato ahaa, laakin markii ay qiilqiil gashay nolosha dadweynaha oo dhaqaaluhuna inuu jilbaha dhulka ku dhifto  u dhowaaday, ayaa culimada degaanka iyo hoggaamiyayaasha bulshadu ka hor tageen oo u hawlgaleen sidii lagu joojin lahaa, iyadoo ugu danbayntiina lagu guuleystay in la gubo lacag badan oo faalisa ahayd isla markaana makiinadihii samaynayey degaanka laga qaaday, taasi oo keentay in dhaqaaluhu xasilo.

Cilmiga weyn ee dhaxalgalka ah ee arrintan laga bartay ayaa ah in lacago la daabaco oo weliba been abuur ah aanay ka qaybqaadan karin kobcinta wax soo saarka dhaqaalaha (Economic output). Dad badan ayaa is weydiinaya haddii Dawlad ama Maamul ay soo waajahdo xaalad dhaqaale xumi ah oo miisaaniyaddu is dhinto ama deyn lagu yeesho maxay lacag badan loo daabici waayey? Sababtu waxa weeye lacag badan oo la daabaco sinaba uma kordhiso wax soo saarka dhaqaalaha ­– waxa keli ah ee ka dhasha waaa sicir-barar.

  • Ka soo qaad suuqa Puntland waxaa yaalla badeeco raashin ah oo dhiganta lacag $20 malyuun. Tusaale ahaan badeecadaaasi waa bariis gaaraya hal malyuun oo kiish, waxana halkii kiish la siiyaa $20.
  • Haddii maamulku laba jibaaro lacagta suuqa soo gelaysa, waxaynu weli haysannaa hal malyuun oo kiish oo bariis ah laakiin dadkii baa lacag badan gacanta ku haysta. Dalabka bariisku wuu kacayaa iyadoo shirkaduhuna sicirka kor u qaadayaan.
  • Siinaariyahan haddii lacagta suuqa soo gelaysa la badiyo, waxaynu weli haysannaa hal malyuun oo bariis ah oo lagu iibiyey $40 halkii lagu iibin lahaa $20, laakiin tirada badeecadda waxba iskama beddelin.
  • Waan oran karnaa kororka ku yimi GDP-ga waa lacag been ah – waa sax in lacagtu badatay, laakiin wax kasta waa qaali, mana jirto wax kuu hagaagay ama kuu wanaagsanaaday.
  • Habkan yar ee fudud, waxaa lagu ogaanayaa in lacag la daabaco ay badeecada ka dhigto wax qaali ah, laakiin aanay beddelin tirada badeecadda.

Dhibaatada Sicir-bararka

Haddii sicir-barar yimaado waxaa adkaanaysa in dadku wax gataan maxaa yeelay sicirku durbadiiba waa is beddelayaa. Haddii aad subaxnimada gelinka hore aad rooti badan iibsato, waxaad ka nasiib wanaagsan tahay qof gelinkii hore rooti yar iibsaday oo gelinkii danbe damcay in uu rooti kale iibsado iyadoo sicirkii kor u kacay. Tani waxay keenaysaa in dhaqaaluha ay xasilooni darro soo waajahdo oo la isku dhex yaaco. Waxaa imanaysa hubanti la’aan iyo jaha wareer. Haddii sicir barar yimaado, dadka ama shirkaduhu waxay joojinayaan iney lacag wax ku maalgashadaan taasoo keenaysa in uu hoos u dhaco kobocii iyo kororkii dhaqaalaha.

Waxaa hoos u dhacaya qiimaha lacagaha meel dhigto.Haddii dadku ay lacag kaash ah meel dhigtaan, sicir-bararku waxa uu xaalufinayaa qiimaha lacagta aad meel dhigatay. Tusaale ahaan laba malyuun oo Shilling Soomaali ah oo reer maanta dukaan u taalla waa lacag badan oo wax u goysa, laakiin marka sicir barar yimaado dhawr bilood ama sannad lacagtaasi waa qiimo beelaysaa oo waxba ma goyneyso. Haddi sicir-barar yimaado waxaa yaraanaysa in lacag meel la dhigto.  Lacgta la daabacaa waxay saameysaa qiimaha lacagtaasi lahayd.Haddii lacag la daabaco oo sicir barar yimaado, markaasi waxaa dhacaysa in lacagta qiimaheeda uu hoos u dhaco. Ka soo qaad sicir barar ku yimaada Puntland waxauu gaaray 100%, sicir bararka ka jira Somaliland-na waa 0%. Tan macnaheedu waxa weeye sicirka Puntland waxa uu laba jibaar ku noqonaya sicirka ka jira Somaliland marka loo barbar dhigo, waxaadna u baahanaysaa lacag laba jibaar oo shlling Soomaali ah markaad joogto Puntland si aad wax u iibsato. Awoodda wax gadashada ee lacagta Shilling Soomaaliga ah ee Puntland hoos ayey u dhacaysaa, sidaa daraadeed waxaa dhacaya qiimaha sarrifka lacagta.

39e

Ugu danbayntii, iyadoo Maamulka Cabdiweli Maxamed Cali ee Gaas ee Puntland uu damacsan yahay inuu mushahar ku bixiyo ama suuqa soogeliyo lacagta faalisada ah ee bilihii ugu danbeeyey lagu daabacayey makiinadda taalla Boosaaso, ayaan waxaan uga digayaa dadka reer Puntlaand inay fududaystaan oo oggolaadaan Lacagtan faalisada ah. Lacagtan waxay gubayaa oo dab qabadsiinaysaa guryo badan, waxay nolosha ciriirki ku gelinaysaa qoysas badan oo noloshoodu maanta xasiloontahay. Mar haddii lacag been abuur ah aysan kor u qaadayn waxsoosaarka dhaqaalaha, isla markaana ay horseedayso sicir barar, waxaa lagama maarmaan ah in la hor istaago inay suuqa soo gasho. Arrintan waa indhab laga noqdaa, maxaa yeelay waxay taabanaysaa nolosha qoyayskeenna iyo dadkeennna.

Cabdiweli Gaas waa aqoon yahan dhinaca dhaqaalaha, laakiin ogaada arrintan aqoondarro uma samaynayee waxa uusan dan ka lahayn dhibaatadiina, waxa keli ah ee uu fiirsanayo waa dan gaar ah oo uu ku doonayo in uu iskaga yareeyo culayska mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidamada. Waxaan ugu baaqayaa waxgaradka, isimada, culimada, haweenkaiyo iyo dhammaan qaybaha kala duwan bulshada in laga hortago oo la diido lacagtaasi been-abuurka ah.

1734

Cabdirashiid Muuse Siciid

Email: abrashidmuse@gmail.com

Twitter: @Gobanimodoon

Facebook: Abdirashid Muse

About The Author