Daawo Video: Ninka Mudug Xukuma GAADAYARE & meesha Xafiiska u ah!!

24 Agoosto 2015 (Puntlandes) Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Gaalkacyo waxaa xukumay kuna amar ku taaglaynayey 24kii sano ee lasoo dhaafay Koox ku caan baxday BOOBKA hantida ummaadda iyo iska hor keenka Shacabka walaalaha ah ee Gobolka Mudug. Kooxdaas waxaa madax u ah Siciid Cali Yuusuf GAADAYARE oo ku magacaaban ilaa iyo 1999kii Xisaabiyaha Wasaaradda maaliyadda ee Gobolka Mudug laakiin ah ninka xukuma ayna ka go’day talada Gobolka iyo  Xaruntiisa Gaalkacyo, waxaana ninka labaad ka ah KOOXDAN Siciid Cabdiraxmaan DHAGAWEYNE oo ku magacaaban ilaa iyo 1991dii Maareeyaha Abdulahi Yusuf Airport.

59a1

Kooxdani waxay Gaalkacyo u diiday Horumar iyo inay la jaan qaado iyada iyo dadkeedu meelaha la midka ah iyagoo LAALUUSH iyo  iska hor keen joogto ah kula dhex jira dadka Gobolka Mudug.

dhagaweyne
DHAGAWEYNE

 

GAADAYARE ayaa markii ugu horaysay ka dhex muuqday Shaashadda TV yada Soomaalida isagoo dhex fadhiya Xafiis Dunsan oo baa’ba xun uu ka muuqdo. Waxay Shacabka reer Puntland la yaabeen GAADAYARE meesha Xafiiska u ah, iyagoo iswaydiinayey ma iska REEBI waayey wax xoogaa ah oo uu Xafiiska ku qalabaysto kuna dayactiro Guriga soo dumi raba.

59a
Ninka ku amar ku taagleeya Gobolka Mudug GAADAYARE

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS oo uu taageero dhaqaale siiyey GAADAYARE markii uu Ololaha Doorashada ku jiray sida ay Xog ku heshay Warbaahinta Puntlandes ayaan ku dhicin inuu ninkaas Shacabka Gobolka Mudug ka hor wareejiyo.

Daawo Xafiiska GAADAYARE

Puntlandes.com

About The Author