Shirka wada tashiga Puntland iyo xaqiijinta himiladdii Puntland loo asaasay

Madaxwaynaha Puntland  ayaa furay shir loogu magac daray shirka weynaha wada tashiga Puntland  kaasoo 24,Agoosto. 2015 ka furmay  Magaallada Gaalkacayo ee  Xarunta Gobolka Mudug,  waxaana ka qayb galaya  ergooyin  ka kala yimid Gobolladii  Puntland wada dhistay 1998.

Asaaskii Puntland  ayaa laga joga 17,sanno   waa  shirkii labaad   oo noociisa  oo lagu qabto Puntland marka  laga soo tago kii lagu dhisay Puntland 1998, bishii agoosto  dadka Soomaaliyeed  ee Gobollada waqooyi Bari, Gobolada Sool. Sanaag Biyo Degmada Buuhoodle  ayaa ku heshiishay inay dhistaan maamul Dawladeed  qeexaya  hannaan awood qaybsi  iyo  dano wadaaga..

Taasi waxay ka dhalatay markii muddo toddobo sannadood ah  ay Soomaalidu ku guul daraysteen  in ay ku heshiiyaan dhismaha Dawlad Qaran, ilaa maantana aan weli la isku calool fayoobaan..

Markaas kadib  waxaa isku yimid  hoggaamiye dhaqameedkii Gobollada waqooyi bari, Gobolada Sool. Sanaag Biyo Degmada Buuhoodle waxaana la isku afgartay in la dhisto  maamul dawladeed, leh axdi & hay,yaddo kala duwan.

Alle mahadiis aad ayaa loogu guuleystay  himiladdaas  waxaana dhidibada loo taagay Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed, oo ay Soomaali badani ku badbaaday  intii lagu guda jiray  qalalaasihii Soomaaliya ka qarxay  saggaashameedyadii,.

                         Himiladdii Puntland

Hadabba  himilooyinkii  iyo haykalkii Puntland hiigsanaysay waxaa soo  gaaray   habbacsanaan  baahsan   waxaa  Puntland  gacanteedda ka maqaan qayb  kamida  Puntlandtii, ladhisay 1998. Sool, Sanaag iyo Cayn  ayaan  Puntland si buuxda uga talin.

                          Dimuqraadiyeynta.

 Dimuqraadiyadda  ayaan Puntland wili ka hirgalin   waxayna wili Puntland ku jirtaa hannaan, dhismeedka  qabaa,iilka,  Beelihii Puntland wada dhistay  ayaan qaar kood ku qanacsanayn  Hanaanka  awood qaybsi   marka laga eego dhanka  Barlamaanka iyo wasiiradda..

Haddaba  maxaa  la gudboon ergooyinka matalaaya masiirka ummadda Puntland?.

Waxaa la gudboon   ergooyinka  shirka  ka qayb galaya  inay xaqiijiyaan  midnimadii Puntland waa  in  xaqiiqda  laga wada  hadlaa  oo  aan  Xaflad  qurux badan kaliya  Shirku noqon inaan loo Sacabo tumin  oo kaliya qudbadaha  quruxda badan ee halkaas  laga jeedanaayo  waa in la is waydiiya maxay Sool ku maqan tahay? maxaase  Cayn, ka dhigay meel  qof walba ku soo  Cansaaro, siyaasaddiisa u gaara?,  awood qaybsiga Puntland mayahay midkii guusha lagu gaari lahaa? IWM..

                                                 Xisaabi xil maleh,

Waxaa  intaas  dheer  waa  in xukumadda lagula xisaabtamo  hirgalinta nidaam  baahsan kuna dhisan dimuqruraadiyad iyo Axsaab)  ku salaysan Dawladnimo  waa  in xukunka Puntland  iyo Dawladnimadu gaarto idil ahaan ama guud ahan dadka Puntland..

                                               Kala qaybsanaanta isimada Puntland

Sida dhabta   waxaa  kala qaybsan   Isimaddii Puntland   asaasay  waxaana arrintaas sabab u ah  siyaasiinta Puntland ku loolama  oo saamayn ku yeeshay kala qaybinta isimadii  saldhiga u ahaa Puntland   waxaana  shirka wada tashiga Puntland looga  fadhiya  midaynta  isimaddii Puntland  ee sal dhiga u ahaa midnimadii Puntland ku asaasantay..

                                                     Gabagabadii

Ugu dambayntiina    Shir waynaha wada tashiga Puntland  waa  inuu xaqiijiya guud  ahaan midnimadii Puntland,  himiladii loo asaasay Puntland, Ciidankii difaaca Puntland,   dhaqaalaha Puntland, xudduudihii Puntland ee ay Soomaalida kale la lahayd. Madaaba  nidaamka Soomaaliya ku dhaqmayso tahay Federalism,   iyo  haykalka Dawlad wanaaga.  Dhammaan  qodobadaas  waa kuwo maanta Puntland aad  ugu baahan tahay in  la xaqiijiyo..

Sidookalena  Madaxwaynaha Puntland  waxaa  looga fadhiyaa  fulinta balanqaadkii  uu   ku dhaartay ee  ahaa midnimada Puntland  kor u qaadida dhaqaalaha Puntland  sinaanta Caddaalada iyo  baahinta  maamul wanaaag..

21

Cabdinuur Faarax Maxamuud

Email-abdinuur02@gamail ama guuleed72@hotmail.com
Falanqeeye  arrimaha Bulshada

About The Author