Sawiro: GAAS Shalay ”Xerada SIINAAY ha la baneeyo” Maantana ”Ciidan dawladda degen SIINAAY”

27 Agoosto 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS ayaa Guddi uu magacaabay waxa uu faray oo ay soo saareen in Shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo oo qaar ka mida ama ”Beelo” ay ku habsadeen dhulkii dawladii hore ee Soomaaliya ay lahayd, kuwaasoo ilaa iminka ku nool ama ku ganacsada inay ku baneeyaan oo dawladda Puntland kusoo wareejiyaan muddo sadex cisho ah.

60

Meelaha uu GAAS faray inay baneeyaan reer Gaalkacyood ayaa waxay gaarayaaan 46 goobood oo ka kooban Guryo iyo Xerooyin Ciidan, waxaana ka mida Xeradii Xiidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku lahaayeen magaalada Gaalkacyo taasoo lagu magacaabo SIINAAY.

Waxaa dadku Gaalkacyo maanta la yaabeen markay arkeen GAAS oo booqday Xerada SIINAAY kuna tilmaamay inay Ciidanka difaaca Puntland degen yihiin Xeradaas!! CAJIIB xaggee lagu arkar Jufo kaliya oo ah Ciidan dawladeed?

Xerada SIINAAY oo kaliya laguma habsan ee Xerooyin badan oo kale oo iyana ay Jifooyin ay ku habsadeen iyagoo sheganay inay yihiin Ciidan Dawladeed sida tii uu maanta Booqday GAAS ee SIINAAY.

Waa su’aale GAAS maka baqay? Ma maantuu saxsan yahay? Mise shalay markuu lahaa halaga guuro?

Ugu dambayntii waa su’aale goormaa Gaalkacyo dawladnimo kashaqayn waa tan ay wali ka taliyaan KOOXDA GAADAYARE e? waa tan Guryihii iyo Xerooyinkii dawladda la haystee?

Waxaa xusid mudan in la burburiyey Gurihii sida sharci darada ah looga dhistay laamiga hareerihiisa ama dhulkii banaanaa ee dadka ka dhaxeeyey, Sawirada hoos ka daawo.

60e

60d

60c

 

Puntlandes.com

About The Author