Waxaa la joogaa waqtigii aynu ka tashan lahayn Xamar

0

Qoraal uu qoray Ismail Adam Dirie uuna soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook ayuu wuxuu ku bilaabayaa ”Puntland wax badan ma sheegin mana sheegi doonto ilaa iyo inta ay kaga dhawaaqayso gooni isu taag, Ilaa iyo inta ay dhinac iska dhigayaan dadkeeda hadalada dabraya ee ay ka mid yihiin inagaa calanka keenay ee yaan uga cararnaa, sidoo kale hadalada aan mecnaha badan lahayn sida inagu Somalia kala tag u horseedi mayno (waa yaabe Somalida ma agoon aabahood nagala dardaarmaybaa, maandhoow cidina kuuma ogee taada ha gabin)”,

Mudane Ismail Adam Dirie oo ka mid ah aqoonyahanada Puntland ayaa isagoo qoraalkiisa sii wata ku yiri ”sidoo kale inta ay dadka Puntland ka harayaan hadalada fulaynimada ah sida hadee nala aqoonsanmayo”

Ismail wuxuu intaa ku sii daray in uu iftiimiyo xaalka maanta yaal Xamar oo horay u ahayd caasimada dalkii Soomaaliya wuxuuna yiri ”Muqdisho xaqsoor iyo horusocod ha ka dhowrina hana ka dhowrina dadkeeda wax walboo iyaga ay gaystaan inaysan weli dacwa aysan qabin,

Ismail wuxuu daaha ka rogay waxa la gudboon shacabweynaha reer Puntalnd oo aan laga fursan karin maanta, wuxuuna yiri ”kuma jiri kartaan weerar iyo weerar celis ee si dadnimo leh go’aan u qaata, hana ku mashquulina in la idin ictiraafee ku mashquula inaad ogtihiin waxaad rabtaan

Aqoonyahan Ismail oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu soo qaatay taariikhdu waxyaalaha ay ka qorayso marka dadku goostaan rabitaankooda wuxuuna yiri ” taariikhda waxay dhigaysaa qofkii yaqaan wuxuu rabo in aadanaha ku qasban yihiin inay ku ixtiraamaan rabitaankiisa, waana mida keentay Mandela inuu 27 sano ka tanaazulin rabitaankiisa isagoo diyaar u ahaa inuu ku dhinto xabsida ilaa aakhirkii uu helay waxa uu rabay, si kastoo waxa uu rabo aysan macquul ugu muuqan oo ay quwadaha caalamka uga soo horjeedeen, waana mida keentay in Yasir Carafaad uu goaan fulaynio qaato is yiraahdana rabitaankaaga ma aha macquul ee tanaazul ilaa la qaatay Falatiin inteeda badan isagana gacantiisa ku baxshay dhulkiisa, inta kalena hada dadkiisa lagu xasuuqo”.

Mudane Ismail Adam Dirie oo ka mid ah aqoonyahanada Puntland ayaa qoraalkiisa ku soo qatimay isagoo soo qaatay waxa tahay ama ay hada ku sugun tahay midnimada Somalia wuxuuna ku yir ”midnimada Somalia ma aha muqadas ee waxa muqadas ah waxii aadanaha u roon kuna jirto horusocodnimada”.

50

WQ Ismail Adam Dirie.

Xigasho:- https://www.facebook.com/ismail.dirie.3

Editorail Office

Puntlandfes.com

info@puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *