Hogaanka Dr Gaas waa “Sow Sagaaro ima barato”

0

Waxa ummada reer puntland yaab iyo istacajeb ku noqotay khudbadii Dr Gaas xalay ka jeediyey xafladii sanad guurada ee aas aaskii puntland. Khudbadaas oo shaki badani ka muuqday. Waxaa dadku ku wareereen in Khudbadu ku saabsanayd soo bandhigid wax qabad xukuumad, maba aysan ahayne oo wuxuu ka sheekeeyey socdaalo uu ku maray Puntland iyo dibadda. Midaas oo aan dhagaha reer Puntland ku cusbayn oo uu ka sheekeeyo markasta oo uu masraxa soo istaado (waabaan waxaan tegey!!).

363

Waxaa kale oo uu ka sheekeeyey canshuur ururin taas oo iyana caado u ah.

Midda kale oo aan dhegaha dadka ku cusbayni waxay ahayd in uu askar iyo shaqaale dawladeed eryi doono (waxaynu ognahay in askartii Puntland in badani ayba mar hore isaga huleeleen meesha, ku biireen Somaliland iyo kooxda Galaydh, reer Mudugna waa ka huleeleen iyana ).

Waxa aadka loogu wareeray oo kale waxay ahayd in Khudbadda la qoray intii aanu xiriirka awalba xaaraanta, qodbosireedka iyo khiyaanada reer Puntland ku qotomay aan la jarin iyo kadid.

Soomaalidaa waxay ku maah maahdaa ”Geel caruuri qaaday meel fog kaama jiro”. Waxay ummada reer Puntland ogaayeen in shirkii lagu go,aamiyey arintaas uu ahaa mid kasoo dib dhacay waqtigiisii muddo 48 saacadood ah. Walaalayaal waxay khudbadiisi xalay tilmaan cad ka bixinaysaa in aysan arintu  daacad iyo garawshiiyo ahayne ay ahayd cadaadis dadwayne oo si marin habow ah loo daminayey. In wadankeenii xaafada Baraxley boobto ninku waa la ogaa.

Halkii uu ka hadli lahaa sabata keentay in uu jaro xiriirkii xaaraanta ahaa ee uu lalahaa villa Xamar, iyo talaabooyinka xiga ee xukuumadiisu qaadayso si ay marka hore u difaacaan danaha Puntland (ileen ayaduu u dhaartaye oo waajibka ugu horeeyaa ka saaran yahaye) ayuu ka hadlay in ay Soomlia biyo nadiif ah u baahan tahay oo ay ka hadhay asaageed, iyo in uu markale sidii caadada u ahayd yiraahdo  ”dawladda dhexe ee federalka ”in ay dulqaadkiisii doqoniimo moodeen”.  Raali ahaada aan meeshaas ku celiyee ”in ay dulqaad kaygii buu yiri  wax kale u qaateen

Isagoo si fudud u iloobay in uu caalamka iyo reer Puntland u sheegay in la jaray xiriirkii qodbo sireedka iyo jacayl beenaalaha ahaa ayuu yiri ”Puntland waxay u taagan tahay midnimo marka cidkasta oo ixtiraam iyo is qadarin ku shaqaynaysa waan soo dhawaynaynaa oo waa la shaqaynaynaa”  waxaad moodaa ninku in uusanba waaqiciga jira la socon Puntland taas waxay radinaysey 24 sano  oo ay waydey oo sheekadu marayso in isagoo ika daba hamagle la boobo Puntland (the question is what are you going to do  about it?) Muusanow iyo darbiyo isku xoqid looma baahnee.

Waxaa dhab noqonaysa maah maahda kor ku xusan oo villa Xamar waa ogayd in hadalkiisii habeen hore uusan meel fog jirin.

Talo waxaa iga ah in reer Puntland iska qabtaan ninkan hadalkiisa iyo ficilkiisu is khilaafsan yahay oo siyaasada u qaba in ummada la jaah wareeriyo. Waa cadaan in uusan wanaag inoo soo wadine. Wuxuu ku jiraa oo kaliya xayasiin, campaign iyo iska gadid Xamar.

170

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey

Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada: Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *