Lacago Been-abuur ah oo harqiyay Suuqa Garowe iyo Dawladda oo aan ka hadlin!

29 Agoosto 2015 (Puntlandes) Labadii Todobaad ee u dambeeyay ayaa waxaa Suuqyada magaalada Garowe lagu arkayay lacago shilin Soomaali ah oo been abuur ah sida ay xaqiijiyeen Ganacsatada ku dhaqan Caasimada Puntland.
59bb
Lacagtan ayaan la haynin inta cadadkeedu le’egahay iyo weliba qaabka ay magaalada Garoowe ku soo gashay, waxaana lacagtani ay si xowli ah ugu faafaysaa suuqyada laga adeegto, maadaama aanay dadku si aad ah u kala garanayn lacagta been abuurka ah.
59ba
Culimada Puntland ayaa todobaadkii la soo dhaafay ka digay in lacagtani keeni karto sicir barar xoogan oo saamayn ku yeesho nolasha dadka iyo dhaqaalaha dalka.

Shacabka ayaa shaki ka muujiyay in Dowladda Puntland oo iyadu aan weli ka hadlin lacagatan ay mas’uul ka tahay oo ay soo daabacatay si ay ugu maarayso Mushaharaadka Shaqaalaha iyo Ciidamada Qalabka-sida.

Sidoo kale ma muuqdaan dadaalo Dawladdu uga hortagayso lacagtan Been abuurka ah oo sida caadadu tahay ay Ciidanku ururinyaan markaa ka dibna la gubo.

Xigasho Dunidaonline.com

About The Author