Madaxweyne GAAS oo Kormeeray Ciidan Beeleed ku sugan Tuulada Godad kuwaasoo Qayb lixaad leh ka qaata Difaaca PL

29 Agoosto 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS ayaa saaka Booqday Ciidan BEELEED ku sugan Tuulada Godad ee Gobolka Mudug. Ciidan Beeleedkan ayaa tan iyo 1991kii ku sugnaa halkaas iyagoo qayb lixaad leh ka qaata Difaaca Gobolka Mudug iyo xaruntiisa iyo waliba guud ahaan Puntland maadaama ay goobtu tahay meel Istaraatiiji ah.

Ninka Xukuma Gobolka Mudug & xaruntiisa GAADAYRE, Madaxweyne GAAS
Ninka Xukuma Gobolka Mudug & xaruntiisa Gaalkacyo GAADAYRE, Madaxweyne GAAS

GAAS ayaa 27kii bishan Agoosto Booqday Goobo ay Beeshani kaga sugan tahay ama ka haysato magaalada Gaalkacyo oo ay Ciidan Beeleed ka joogaan kuwaas oo kala ah Xeradii Ciidamada Milateriga dawladii hore ee Soomaaliya taasoo lagu magacaabo SIINAAY iyo Xero ay Ciidamo Beeleedkani ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo oo ay ku sugnaayeen tan iyo 1991dii, halkan ka akhri Booqashada GAAS.

Goobahan ama Xerooyinkan ayaa waxaa dejiyey Ciidamo Beeleedkan madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland ahna aaasaasihii Puntland AUN Cabdulaahi Yuusuf Axmed, ahaana Dhismihii Puntland ka hor Gudoomiyihii Jamhadii SSDF oo ay isku beel yihiin Ciidamo Beeleedkan.

GAAS ayaa waxaa uu Warbixino ka dhagaystay Saraakiisha Ciidamo Beeleedka Godad, wuxuuna ku amaanay hawsha ay hayaan isagoo ku dhiiri galiyay inay laba jubaaraan ay u hayaan reer Puntland.

Dhagaweyne Maareeyaha Garoon Galkacyo ilaa & 1991kii, GAADAYARE Xisaabiyaha Wasaarada maliyada ee G Mudug ilaa & 1999kii
Dhagaweyne Maareeyaha Garoon Galkacyo ilaa & 1991kii, GAADAYARE Xisaabiyaha Wasaarada maliyada ee G Mudug ilaa & 1999kii

Booqashada GAAS ee Xerooyinka Gaalkacyo ee ay Ciidamo Beeleedkani haystaan iyo tan Tuulada Godod ayaan la aqoon ujeedadeeda ka dambaysa iyadoo la og yahay inay saamayn wayn ku leeyahiin Ciimadamo Beeleedkan KOOXDA GAADAYARE ee ka talinasay Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Gaalkacyo laga soo bilaabo 1991dii ilaa iminka.

Puntlandes.com

About The Author