Sawiro: Arday 15 ah oo deeq waxbarasho ka helay dalka Suudaan oo Wasaaradda Waxbarashada PL ay sagootisay maanta

30 Agoosto 2015 (Puntlandes)  Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland ayaa maanta sagootisay 15 arday oo dalka Suudaan deeq waxbarasho ka helay. Ardaydaan ay deeqda Waxbarasho ay dawladda Puntland uga heshay dalka Suudaan ayaa kamid ahaa ardaydii sanadkii hore ee 2014  kaalimaha ugu sareeya ka galay imtixaankii dugsiyada sare Puntland (A+).

Waxaa maanta lagu qabtay Munaasabad ardaydaan lagu sagootinayay xarunta Waasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Caasimadda Garowe waxaana ka qeyb galay Wasiirka wasaaradaas, ku xigeenkiisa, agaasimaha guud iyo wakiilka hay’ada Munadaba dacwal islaamiya xafiiskeeda Puntland.

Dhamaan mas’uuliyiintii Munaasabadaas ka hadlay ayaa waxay dardaarmeen Ardayda inaysan dayicin fursadaan waxbarasho ee la siiyay ayna ogaadaan dhibaatooyinkii waalidoonta kasoo mareen barbaarintooda iyo inay maanka ku hayaan mas’uuliyadda saaran.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dr. Abshir Yuusuf Ciise  oo ugu dambayntii ka hadlay Munaasabadaas ayaa sheegay dowladda Puntland inay dadaal xoogan ugu jirto in kor loo qaado fursadaha waxbarshada ardayda dugsiyada sare.

Daawo sawirada
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12
Puntlandes.com

About The Author