Daawo-Dhagayso: Odoyaasha Hawiye oo u Hanjabay Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Xasan Sheekh

30 Agoosto 2015 (Puntlandes) Axmed Diiriye iyo Xaad oo sheegta madaxda Odoyaasha Hawiye ayaa u Hanjabay Xildhibaanada Mooshinka ka keenay madaxweynaha DFS Xasan Sheekh. Labadan oday oo soo caan baxay xiligii madaxweyne AUN Cabdulahaahi Yuusuf Axmed iyagoo ka qaylin jiray Warbaahinta kuna hadli jiray afka Beesha Hawiye.

63a

Waxay sheegeen labadan oday in Mooshinka Xasan Sheekh laga gudbiyey ay wadato Beel ay yaqaanaan oo aysan sheegin lagana soo abaabulay dawlad Goboleedyo ay yaqaanaan, iyagoo Xildhibaanada Mooshinka keenayna ay ku tilmaameen Beel. Waa Cajiibe 13ka Xildhibaan oo ka soo jeeda Beesha Hawiye ee ku jira Xildhibaanada saxiixay Mooshinka ma arkaan miyaa?

Waxaa muuqata in aysan Xamar dawladnimo oolin kana soo socon Xasan Sheekh na uu isticmaalayo kaarkiisii u dambeeyey oo ah abuurida in Qabiil loo kala baxo. Hanjabaada Odayada Axmed Diiriye iyo Xaad waa mid aan la dhayalsan karin maxaa yeelay labadan nin ayaa Xamar xukuma siday iyaga la tahayna iyagaa iska leh Soomaaliya waa Xamar.

Isku soo wada duuboo waxaa wareersan ninka sida madaxweynaha Puntland nimankan iyo Xamar rajada ka qaba.

Dhagayso Axmed Diiriye

Dhagayso XAAD

Puntlandes.com

About The Author