Sawiro: GAAS oo Dhagaxyacade Ciidanbeeleed salaan kaga qaatay, booqanaya Galdogob

1 sebtember 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS ayaa maanta deegaanka Dhagaxyacade waxa uu ku Booqday Ciidanbeeleed halkaas difaac uga jira iyagoo difaac muhiim ah u ah Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Gaalkacyo iyo guud ahaan Puntland.  GAAS ayaa marka uu booqanayey Ciidan Beeleedkan waxa uu kusii jeeday magaalada Galdogob ee Gobalka Mudug.

Ciidan Beeleedka Deegaanka Dhagaxyacade ayaa noqonaya Ciidan Beeleedkii sadexaad oo uu Booqdo GAAS intii uu ku sugnaa Gobolka Mudug.

Horay ayuu wuxuu u booqday Ciidan Beleed ku sugan Xerada SIINAAY ee magaalada Gaalkacyo iyo Degaanka Godod.

Gobolka Mudug ayaa waxaa Difaaca ciidamo u abaabulan una degen qaab Ciidan Beeleed, waxaana looga fadhiyey madaxweyne GAAS inuu mideeyo Cududa, Maalka iyo Maskaxda Shacabka Gobolka Mudug ee ma ahayn in PROFOROORKII dhamaa oo Aqoonyanahanka ahaa inuu xataa iska daa dad kale e ee uu Qoyskiisa midayn waayo.

Waxaa FOOLXUMO ah inuu intuu isku sawiro Ciidan Beeleedyo uu ku sheego Ciidanka Daraawiishta Puntland, DARAAWIISHEEY hadaad sidaan tahay XAAL qaado.

Iska daa meel kale e magaalad Gaalkacyo Ciidanka joogaa Beelo ayey u kala degen yhiin ummana baahna dadkaasi inta uu GAAS Ciidamo fara badan oo ay ku baxday dhaqaale aad u fara badan dulkeeno uu Guryihii sida Sharci darada loo dhistay ku Burburiyo, xoogna uga saaro dadkii degenaa Guryihii dawladii Soomaaliya lahayd.

Reer Mudug waxay u baahnaayeen isku keenid iyo midayn kadibna ay dawladu ku hogaamiso Cadaalad.
Sawiro
64b

64c

64c1

64d
Puntlandes.com

About The Author