Maxaa reer Mudug daaray? Mise raali bay ka yihiin in Puntland laga jaro?

0

Waxaa Villa Xamar lagu shaaciyey wax loogu yeeray dowlad ka koobnaan doonta Mudug iyo Galgaduud. Arintani waxay soo jiitamaysay in mudo ah taasoo uu wax ka ogaa madaxweynaha Puntland Dr Gaas.

 

Qorshahan guracan ee ay wataan kooxda Xasan Culusooow oo aan lagala tashan dadkii iska lahaa labadaas Gobol. Ayaa waxaa isla markiiba ka soo horjeestay qaar ka mid ah dadku ku nool Koonfurta Mudug, dadka Ximan iyo Xeeb iyo reer Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Hoos ka daawo sawiro iyo video
Ka kulan ay dadka degaa Koonfurta Mudug uga soo horjeedaan

Dibedbax ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

Ximan iyo Xeeb: Hoos ka doowo sawiro mudaharaad aad u balaaran iyo video madaxweynaha

463

465

 Reer Mudug?

Hadaba su,aasha dad badan oo reer Puntland iyo Somaliba ah ka guuxaysa ayaa waxay tahay dadka inta badan Gobolka Mudug degaa waxay ku abtirsadaan tiir dhexaadna ka yihiin Puntland marka waa maxay sababta ay uga aamuseen bililiqaysiga la hamiyey in iyaga iyo dhulkooda la isku bililiqaysto? Ma waxay raali ka yihiin in laga jaro Gobolka Mudug Puntland? Ma waxay raali ka noqdeebn in har cad la bililiqaysto iyaga iyo dhulkooda? Meeye wax garadkii Gobolku? Reer Mudug goormay baraarugayaan? Mise waxaa reer Mudug idaacadaha laga arkaa marka qaswadayaasha gobolku soo abaabulaan iyagaana hada raali ka ah lana og Dr Gaas in laga jaro Gobolka Puntland?

 

Maanta ogaada in taariikhi qormayso reer Mudugoow.Meesha aad maanta joogtaana waxaa Allah ka sokow ka soo shaqeeyey awoowayaashiin. Mustaqbalka ubadkiinuna wuxuu ku xiran yahay sida aad maan u shaqayasaan.

 

Waxgarad reer Mudug ah

Daabacaadii Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *