Daawo Video: Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo maanta soo gaaray Gaalkacyo

5 Sebtember 2015 (Puntlandes) Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa maanta oo Sabti ah lagu soo dhaweeyay magalo madaxda Gobalka Mudug ee Gaalkacyo.

Mamulka Gobalka Mudug iyo dadwayne kale ayaa Siciid Xasan Shire kusoo dhaweeyay Gaalkacyo, waxana loo gudbiyay aqalka madaxwayne Gaas ka degan yahay magalad.

Hadal kooban uu Siciid Xasan Shire siiyay warbaahinta ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ka socda Gaalkacyo, waxa kale uu cadeeyay madaxwayne Gaas inuu ku laabanayo Garowe isla markasna sida Gaalkacyo oo kale gobalada la wada mari doono.

64

Ma uusan cadayn sababta rasmiga ah ee uu gudoomiyaha Baarlamaanka u yimi magalada Gaalkacyo, wararka ayaa sheegaya inuu madaxwaynaha kulan la qaadan doono, lagana yaabo xitaa inuu ka qayb galo xaflada caleemo saarka madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Madoobo.

Daawo Gudoomiye Siciid Xasan Shire

Xigasho Puntlandtoday.com
Puntlandes.com

About The Author