Sawiro: Iskuulka Yamayska ee magalada Gaalkacyo oo maanta lagu wareejiyey dowladda Puntland

5 Sebtember 2015 (Puntlandes) Iskuulka Yamaska Hoose, Dhexe iyo Sare ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxaa lagu wareejiyey dawladda Puntland iyadoo ay maamuli doonto lana hoos geeyay Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Iskuulka Yamaska ayaa wuxuu ka dhisnaa dhul ay lahayd dawladii hore Soomaaliya, wuxuuna ku jiray dhulkii iyo Guryihii ay dawladda GAAS ku amartay Shacabkii deganaa inay Baneeyaan.

Munaasibadda balaaran ayaa loo sameeyey wat´reejinta Iskuulka Yamaska waxaa goobjoog ka ahaa guddiga qaabeynta magalaada Gaalkacyo,  mamulka Gobalka Mudug, kan degmada,  gudoonka waxbarashada Gaalkacyo, Waalidiin, iyo Ardayda dhigata Iskuulka Yamayska.

Maanta ayaa waxaa lagu dhawaaqay inay in mamulka Iskuulka iyo dhismihiisa  gacanta loo galiyay dowladda Puntland, ayna mamuli doonto dawladdu.

Iskuulka Yamaska oo la furay sanadkii 2002kii ayaa waxaa dhigta Arday aad fara badan wuxuuna soo saaray Arday badan oo qaarkood Jaamacado ka Qalin jabiyeen ayna ka shaqeeyaan Xafiisyada dawladda ee kala duwan.

Daawo sawiro
67b

67b1

67b11

67c

67c1

67d

67e

67e1

67f

67g

67h

67i

67j

67l
Puntlandes.com

About The Author