Sawiro: GAAS & wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

10 Sep 2015 (Puntlandes): Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray  magaala Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubaland.

Waftiga uu hoggaaminayo Madaxweyne GAAS ayaa waxaa ka mida Xubno kasocda Labada gole ee Xukuumadda, Saraakiil katirsan Madaxtooyada, Isimo , Cuqaal iyo Aqoonyanno.

Ujeedka Safarka GAAS ayaa ah ka qayb galka Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo Habeen dambe kadhici doonta Magalaada Kismaayo.

Garoonka diyaaradaha ee Magaala Kismaayo  ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhoweeyey Madaxweynaha JubbaLand Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe, Xubno kasocda labadiisa gole,  Siyaasiyiin Isimo iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah oo muddo saacado ah garoonka kusugayey Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Daawo sawiro
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16
Puntlandes.com

About The Author