Puntland: Ciidamo Mushahaar la’aan darteed ka Gadooday Boosaaso

10 Sep 2015 (Puntlandes)   Ciidamada Birmadka Puntland ayaa maanta ay sameeyeen gadood ku xiray muddo saacado ah kantaroolkii hore ee magaalada Boosaaso, iyagoo u diiday inay Gadiidku ay maraan wadadaas oo ah Halbawle.

910

Ciidamanka oo ah Ciidan dhawr bilood ka lagu soo tababaray magaalada Qardho lana keenay magaalada Boosaaso iyagoo aad wax uga qabtay Amniga Magaalada inta aan la keenina iska daa habeene uu maalin cad dagaal ku dhex mari jiray Kooxda Al Shabaab iyo dawladda Puntland Bosaso dhexdeeda.

Ciidamankan shaqada xoogaas leh qabtay ayaan qaadan wax Mushahaar ah muddo bilo ah iyagoo aan ka helin daladda uu madaxda ka yahay madaxweyne GAAS xaqoodii.

Gadoodkan ay sameeyeen Ciidamada Birmadka Puntland ee ka hawl gala xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso ayaa horisaagtay maanta dhammaan gaadiidkii ka baxayey magaalada Boosaaso iyo kuwii soo galayey, iyagoo dalbanayey in Mushahaarkooda ay Xukuumada GAAS siiso.

Ma ahan markii u horaysay ee ay Ciidamo Mushahaar la’aan ka cabanaya ay Gadood sameeyaan intii ay jirtay Xukuumada uu madaxweynaha ka yahay Cabdiweli Maxamed Cali GAAS, taasoo caadaysatay inay CANSHUURTA QAADO Mushahaarkana aysan bixin!!

About The Author