Sawiro: Akhri magacyada-Golaha Mudug Development fund oo yeeshay kulankii u horeeyay Doortayna Guddoomiye

11 Sep 2015 (Puntlandes) Golaha Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug (Mudug Devolopment fund) oo ka kooban 27 xubnood ayaa maanta waxay kulankoodii ugu horeeyey ku yeesheen magaalada Gaalkacyo ee Caasimada Qaybinta Baddeecooyinka Puntland.

Golaha Horumarinta Gobolka Mudug ayaa kulankooda maantay ku Doortay 9 Xubnood oo ah Guddiga Joogtada ah ee maamulaya Golaha waxaana Gudoomiye loogu doortay Amiir Maxamuud  Yusuf Ciise

Xubnaha Gudiga joogtada ee maamulaya Golaha Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug ayaa kala ah:

1-Amiir Maxamuud Yusuf Ciise: Gudoomiye

2-eng. Cumar Cabdile Maxamed (Dheere): Gud.kuxigeenka 1aad

3-Drs. Maymuun Faarax Samatar: Gud.kuxigeenka 2aad

4-Eng.C/rasaaq Burgal . Xoghayn

5-C/naasir Cigaal Xirse( Faras Cade) – Xubin

6-Sheekh Aadan Cigaal- Xubin

7-Suldaan C/salaam Sh. Maxamuud : Xubin

8-Ugaas C/qani Maxamed Geele: Xubin

9-Dr.Cali C/laahi:  Xubin

Sagaalkaas Xubnood oo uu Amiir Maxamuud Yusuf Ciise u yahay Gudoomiyaha ayaa waxay maamuli doonaan Golaha Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug (Mudug Devolopment fund). Maamulka Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug ayaa waxaa uu ka kooban yahay ISIMO iyo Aqoonyahano Bulshada dhexdeeda ku leh Sharaf iyo Ciso iyadoo uu Guddoomiye loogu doortay Amiir Maxamuud Yusuf Ciise oo ka mida ISIMADA Gobolka Mudug halka ay xubno ka yihiin laba Isin oo kale oo kala ah Suldaan C/salaam iyo Ugaas C/qani.

Golaha Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug ayaa guud ahaan waxa uu ka kooban yahay 27 xubnood waxayna kala yihiin magacyada xubnaha kale ee Golaha ka tirsan:

10-C/fitaax Maxamed Sugulle

11- Marwo Caashe Geele Diiriye

12-Jaamac Xasan Axmed

13-Xoosh sh. Xuseen Axmed

14-Maxamed Cabdile Cilal

15-Mursal Cabdi Farasle

16-Maxamud Awfarah

17- C/qaadir Faarah Xirsi

18- Gorad Guufe Xasan

19- Xabiib Xirsi Barre Xaalays

20-Cali Adan Saldaat

21-Yasiin Maxamed Cali

22-Cabdal Cabdale Jaamac

23-Takar Macalin Daahir

24-Bashiir Aw Jamac Xasan

25-C/raxman Warsame Jaamac

26-Sh. Maxamed Macalin Axmed

27-Cali Jaamac Cali Foos

Golaha Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug ayaa waxa lagu doortay aqoontooda, karitooda Shaqo iyagoo Bulshada dhexdeeda ku leh magac iyo maamuus. Waxaana laga filayaa inay wax badan ka bedelaan Xaalada liidata ee uu ku sugnaa Gobolka Mudug isagoo uu Gobolku ka haray Gobolada la midka ah.

Daawo sawiro
80a

80b

80c

80d
Puntlandes.com

About The Author