Daawo Video: Xeer Ilaaliyaha C. Qalabka Sida Gobolada Bari, Karkaar, Gardafuu, Hayland iyo Sanaag oo ka hadlay Ciidankii Gadooday Bosaso

12 Sep 2015 (Puntlandes) Ciidamada Birmadka Puntland oo sameeyeen 10kii sep gadood ay ku xireen muddo saacado ah kantaroolka hore ee magaalada Boosaaso, iyagoo xanibay in Gadiidka aadayey ama ka baxayey Bosaso

77a

Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida Ee Gobolada Bari, Karkaar, Gardafuu, Hayland iyo Sanaag G/Dhexe Maxamuud Faarax Maxamed oo ka hadlay Gadoodka ay Ciidamadaas ay sameeyey ayaa ku tilmaamay Ciidan yar oo ku doodayey in wax yar oo Mushahaar ah ay ka maqan yihiin.

G/Dhexe Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay tirada Ciidankaasi uu ahaa 36 askari.

Mar la waydiiyey Xeer Ilaaliyaha waxa ay sababtu tahay inay Ciidamadaasi ka gadoodaan Mushahaar bil ah o oka maqan halka ay ku sugan yihiin magaalada Bosaso Ciidamo Booliis ah oo aan qaadan Mushahaarkoodii muddo bilooyin ah? Ayuu wuxuu ku jawaabay Xeer Ilaaliyahu ”Ciidamadan waxaan ku tilmaami karnaa Ciidan aan Sharaftii iyo Karamadii laga doonayey aan kasoo bixin, maadaama ay wadadii kala xireen oo yiraahdeen wadadan la mari maayo.. Qaynuun taas ogolaanayaana ma jiro waa xad gudud tani”

G/Dhexe Maxamuud waxa kaliya oo u muuqdaa waa WAAJIBAADKA saaran Ciidanka laakiin uma muuqdo XUQUUQDA ay Ciidanku leeyihiin!! Sidee ayey ku noolaanayaan kuna dhaqanayaan Qoysaskooda haddii aysan helin Mushahaarkay xaqa u lahaayeen ?

Ciidamanka ayaa kusoo celiyey magaalada Boosaaso Amni iyo kala dambayn waxaana waajib ah inay dawladda GAAS ay xaqooda meel saarto.

Ma ahan markii u horaysay ee ay Ciidamo Mushahaar la’aan ka cabanaya ay Gadood sameeyaan intii ay jirtay Xukuumada uu madaxweynaha ka yahay Cabdiweli Maxamed Cali GAAS, taasoo caadaysatay inay CANSHUURTA QAADO Mushahaarkana aysan bixin!!

Daawo Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida Ee Gobolada Bari, Karkaar, Gardafuu, Hayland iyo Sanaag

Puntlandes.com

 

About The Author