Daawo Video-dhamaystiran: Khubadii GAAS ee xafladii Caleemasaarka madaxweynaha Jubaland

12 Sep 2015 (Puntlandes) Maanta ayaa waxaa ka dhacday magaalada Kismaanyo xaflad lagu Caleemasaarayey madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), taasoo ay kasoo qaybgaleen Madax badan oo uu ka mid ahaa madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali GAAS.

78

Madaxweyne GAAS ayaa wuxuu Caleemasaarka Axmed Madoobe ka jeediyey Khudbad uu madaxda kasoo qayb gashay ku salaami waayey Xilkooda iyo magacooda isagoo Shacabka reer Puntland ku qaldayey inuu magacaabo C/kariim Xuseen Guuleed oo  Caleemasaarka kasoo qayb galay isagoo sheeganaya madaxweynaha Galmudug.

GAAS ayaa waxa uu Kismaanyo u tagay aysan ahayn Caleemasaarka Axmed Madoobe oo kaliya ee u tagay shir la filayo inay qaataan wax loogu yeeray madaxda Soomaalida oo uu ka mid yahay C/kariim Xuseen Guuleed oo ay DFS madax uga dhigtay maamul ay ku dhoodhoobtay CADAADO oo aan waafaqsanayn Dastuurkii umaadda Soomaaliyeed ku heshisay.

Daawo GAAS

About The Author