Daawo Video: Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland & kuxigeenkiisa oo Gacmaha iskula tagay (DAGAAL)

77b

12 Sep 2015 (Puntlandes) Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo kuxigeenkiisa Baashe ayaa maanta ku dagaalamay shir uga socda Golaha Fadhigooda Hargaysa. Arrintan ayaa ah mid Ugub ku ah Somaliland horayna aan uga dhicin, waxaana eedeeda loo saarinayaa Madaxtooyada Somaliland oo aad u doonaysa inay Fuliso Wareejintii ay doonaysay inay wareejiso Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay ku dabakheen Mooshinkii lasoo celiyey Qodobka 43aad Farqadiisa 2aad oo sheegaya inaan Mooshin lasoo celin karin isla Kalfadhiga haddii fadhiga looga dooday. Cirro ayaa yiri “Waxaad arkayseen Goddoomiye kuxeenka 2aad oo awood uusan lahayn isticmaalaya.. Golaha waxaa Guddoomiya Guddoomiyaha Bal markaan maqnahayba ha joogee, maanta waad arkayseen waxa uu maanta ka sameeyey halkaan”

Warar soo gaaraya Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya inay jiraan Xildhibaano uu dhaawac kasoo gaaray dagaalkii gacmaha la iskula tagay maanta.

Daawo sidii wax u dhaceen “Goddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka oo ah dadka dhabarka la taabto oo sida sahlan lagu dirsan karo ayaa lagu soo diray Guddoomiyaha Golaha waliikada…”  sidaas waxaa yiri Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

Halkan hoosana ka daawo isla dhacdadan

About The Author