Puntland iyo maamulka sharci darradaa ee Cadaado oo si simman uga qayb galay caleema saarka Axmed Madoobe

12 Sep 2015 (Puntlandes) Puntland oo tan iyo markuu xukunka yimid Cabdiweli Gaas noqotay meel go´aamadeeda iyo cabashooyinkeedu aysan wax kasooqaad lahayn, ayaa maantana fadeexaddii labaatanaad (20) lugaha la gashay. Kadib marikii madaxdii la casumay uu ka mid noqday hogaamiyaha maamulka sharci darradaa ee Cadaado. Waxaynu la wada soconaa in Puntland diidey in ay aqoonsato maamulka Cadaado. Waxaan kale oo la wada soconey in Puntland iyo Jubaland ba diideen in ay ka qaybgalaan shirkii wada tashiga ee Xamar  29/7/ 2015, iyagoo sabab uga dhigay  in lagu casumay si isku mid ah hogaamiyaha Maamulka Cadaado. Laakiin waxaa ummadda reer Puntland ku baraarugeen markuu Cabdiweli Gaas soo saaray in uu ogolaaday wixii kasoo baxay shirkaas. Taas waxaa ka horreysey, sheegasho uu Xasan Shiikh sheegtay in uu isagu ku metelayey shirka Cabdiweli Gaas.

Arrinta Puntland oo noqotay mid jaahwareer ku jirtey tan iyo intuu xukunka yimid Cabdiweli Gaas, iyadoo la arko in inta la diido wax ka soo baxay Xamar hadana la arko iyadoo amma uu ka socdo Puntland go´aankaasi ama ayba soo saaraan maalmo ka dib waan ogolaanay arrinkaas.

Bal Cabdiweli Garanaye, meeye dadkii kale ee meesha wax ka maamulayey?

Illeen waatan Soomaalidu ku maah maahdo ” haddii ruux waalan yahay walaalkiis baa u miyir qabee” Puntland madaxdii kale sida Baarlamaan iyo Madaxweyne ku xigeenku, maxay fool xumada ugu fiirsanayaan Puntland?

Hadda waxaa la leeyahay waxaa dhacaysa doorasho Soomaaliyeed sanadka 2016. Waxaynuna la soconaa in Xamar laga magacaabay gudiyo doorasho iyo kuwo xuduudo oo ay intaba Puntlandta Gaas ee is bedbedelka badani diideen. Waxaa kale oo la ogyahay in lagu sameeyey Xamar xeerar iyo sharciyo aan waafaqsanayn habkii lagu heshiiyey ee awood qaybsiga siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo ay dawladda Puntlandta Gaas ee is bedbedelka badni ay iyagana diideen.

Dawladda Xamar waxay si fiican u fahantey hab dhaqanka hooseeya ee Xukuumada Gaas, sidaa awgeed gar bay u leeyihiin in ay u dhaqamaan hab ah loo joojin maayo illeen gadaal bay uga soo biirayaane.  Islaan baa beri waxaa laga sheegay iyadoo daawanaysey riwaayad ay gabadheedu jilaa ka ahayd ”maandhooyinow koley gabadhu ba´daye  miis miisna maxay tahay”  marka hadda waxaan weydiin lahaa kuwa loo igmaday Golaha wakiiladda iyo madaxweyne ku xigeenka, koley Puntland ba´daye maxaa foolxumada loogu cel celinayaa. Maad inta is giijinta aan meela jirin, iska deysaan dadkiina dhinac ka raacdaan oo wax kasta oo Xamar iyo damul jadiid soo saaraan aad sideeda u qaadataan. Illeen laba jeerba waad qaadanaysaan inta Cabdiweli Gaas garwadeenka idiin yahaye.

Waxaa kale oon rabaa in aan Baarlamaanka si toos ah u weydiiyo meesha uu ku danbeeyey go´ aankoodii sugayey kalfadhiga Oktoobar. Iyaguna ma hal bacaad lagu lisay baa? Inta, ummadda Soomaaliga ku hadasha oo dhami TV:yada idinka daawanaysey oo arkayeen wixii catow idinka yeerayey. In hadana wax kama jiraan laga dhigo ma idin qabataa??

KOLLEY PUNTLAND BA´DAYE MAXAA LOOGU CEL CELINAYAA WAJI XUMADA? WAR NIMANYOHOW MIIS MIISKA (BIIS BIIS)  MEESHA KA DAAYA.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author