Ciidamada Puntland ee xerada 54aad oo Mushahaar la’aan ka gadoodey

13 Sep 2015 (Puntlandes) Ciidamka ku sugan xerada 54aad ee Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa saaka sameeyey gadood kadib markii ay soo foodsaartay muddo mushahaar la’aan ah oo ku dhow 8 bilood.

78b

Ciidankan ka cabanayey ama ka gadooday Xuquuqdooda ka maqan muddada dheer iyagoo aan helin Mushahaarkii ay xaqa u lahaayeen muddo badan ayaa Xiray Albaabka laga galo Xerada 54aad iyagoona Riday Rasaas badan oo Caasimada Garowe laga maqlayey.

Ma ahaa Cidamadii u horeeyey ee Mushahaar la’aan ka gadooda intii ay jirtay Xukuumada uu madaxweynaha ka yahaay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali GAAS waxayna ahayd maalmo ka hor markii ciidamo ka tirsan Ciidanka Birmadka ee ka howlgala magaalada Bosaso ay sameeyeen Gadood ay kaga cabanayeen Mushahaar la’aan lasoo deristay.

Halkan hoose ka akhriso wararkii u dambeeuyey ee ay Warbaahinta Puntlandes ka qortay Cidanka Birmadka ee Gadoodka ka sameeyey Bosaso

Puntland: Ciidamo Mushahaar la’aan darteed ka Gadooday Boosaaso

Daawo Video: Xeer Ilaaliyaha C. Qalabka Sida Gobolada Bari, Karkaar, Gardafuu, Hayland iyo Sanaag oo ka hadlay Ciidankii Gadooday Bosaso

Puntlandes.com

About The Author