Dawladda Puntland oo si rasmi ah ula wareegtey xerada ciidanka PSF ee Bosaso &…
06 Aug 2026 (Puntland.com) Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah saaka ula wareegtey xerada ciidanka PSF ee Bosaso, kuwaa oo dhawaan ku biiray Dowladda Federaalka ah ka dib wada-hadallo dhacay.
Guud ahaan waxaa hada gacanta ku haya xeradda ciidamadda Dowladda Puntland oo si rasmi ah saaka halkaasi u gaaray, taliskaan ayaa ka mid ahaa Talisaydii ugu waawaynaa ee ay ciidamasa psf ka daganaayeen gudaha Puntland.
La wareegista xeradaan ayaa imaanaysa kadib amar dowladdu shalay soo saartay oo aha in 48-saac gudahood in ciidamamada aan ka tirsanayn ee ka amar qaata Dowladda Fadaraalka aya isku soo dhiiban gacanta Dowladda.
Dhinaca kale Mid kamid ah xubnaha wasiir kuxigeenada Faderaalka ee ciidamada kusameeyey galbeedka Gaalkacyo ayaa xalay go`aamiyey in ay guura saq dhexe ah magaaladaas uga baxaan ciidamo horey u sheegtay in ay katirsan yihiin DF oo ah wehliyeen xubno la keenay maalmihii lasoo dhaafay.
Ciidamadan ayaa ka gudbay xuduudaha Puntland, iyagoo galay Galmudug, laakiin lama yaqaano sida ay Xukuumadda Galmudug uga falcelin doonto, walaw ay hadda doorashooyin ka socdaan deegaankaas oo kala wareeg siyaasadeed dhexda uga jirto.
Sidoo kale gobalka Sool, gaar ahaana magaalada Laascaanood waxaa gaaray kolonyo gaadiid dagaal ah oo shalay ka baxay gobalka Karkaar, horeyna u joogay duleedka Qardho, iyagoo wata gaadiid dagaal oo dhan 7 baabuur dagaal ah.
Madaxweyne Deni ayaa markii u horreysey soo afmeeray awoodo laf-dhuun gashay ku ahaa sannadihii tegey, waxaana dadka siyaasadda ku jira ay hadda sheegayaan in tani ka dhigan tahay, in aanu la kulmi doonin carqalayn iyo colaad Puntland dhexdeeda ah.