Guddi lix Xubnood ah oo loo saaray wareejinta Xerada PSF ee Bosaso

1a1a3

05 Aug 2026 (Puntland.com) Warar la helayo magaalada Bosaso ayaa sheegaya in guddi ka kooban lix xubnood loo saaray qaban qaabada iyo hirgelinta wareejinta Xerada Bosaso ay ku lahaayeen Ilma Diyaano.

Sida xogtu tilmaamayso, guddigan ayaa ka kooban wakiillo ka socda Dowladda Puntland iyo dhinaca Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Diyaano oo haatan ah madaxa Guud ee Xeradda PSF Bosaso.

Qorshaha ayaa dhigaya in subaxda hore ee berri lagu kulmo xarunta Gobolka Bari, halkaas oo laga sii ambaqaadi doono habraaca wareejinta.

Intaas Kaddib kulanka, saraakiil loo xilsaaray la wareegista xerada ayaa loo diri doonaa goobta si ay ula wareegaan ciidanka iyo hubka yaalla, waxaana la filayaa inay halkaas ku qabtaan shir jaraa’id.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidanka hadda ku sugan xerada laga soo saari doono, iyadoo lagu beddeli doono cutubyo ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Diyaano la siin doono dammaanad amni oo uu si nabad ah ugu noolaan karo, halka ciidamadiisana la qorsheeyay in lagu xareeyo Dugsiga Tababarka ee Badhan.

About The Author