La kulanka GAAS ee C/kariim waa Khiyaano Qaran!!

13 Sep 2015 (Puntlandes) Golaha Wasiiradda Puntland ayaa waxay go’aan ku gaareen inaysan Puntland u aqoonsan maamul Galmudug oo ay DFS ku dhoodhoobtay Degmada Cadaado iyadoo aan waafaqsanayn Dastuurka ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay maadaama ay ka kooban yahay Gobol iyo bar halka uu Dastuurku ogol yahay labo Gobol iyo wixii ka badan.

Waxaa taasoo dhanba sii dheer in Baarlamanka Puntland uu kasoo saaray Sharci oo sheegaya inaysan dawlada Puntland  la shaqayn karin aqoonsan karina maamulka CADAADO ee aan Dastuurka waafaqsanayn.

Waxay ahayd 12kii july kadib dood dheer oo uu Baarlamaanka Puntland ka yeeshay DFS iyo Dastuur ku tumashadeeda ayey soo saareen Qodobadan hoose:

1- Baarlamaanka dowladda Puntland wuxuu go,aan ku gaaray in dastuurka 6-da saxiix leh iyo xoghayaha guud ee QM oo maqraati ka ahaa uu yahay dastuurka rasmiga ahaa wax kasta oo laga badalayna aysan sharci ahayn.

2- Baarlamaanka Dowladda Puntland wuxuu go,aan ku gaaray in xeerarka baarlamaanka federalku ansixiyey ee aan laga tashan dowlada Puntland insan sharci ahayn xeerarkaasi kana shaqayn karin dhulka Puntland iyadoo loo raacayo qodobka 111 ee dastuurka .

3- Baarlamaanka Puntland wuxuu go,aan ku gaaray inaysan sharci ahayn sadexda Guddi ee soo socda:-

A-Gudiga dib u eegista dastuurka dowladda federalka.

B-Gudiga Doorashooyinka.

C-Gudiga Xuduudaha iyo Arimaha Federalka.

4- Baarlamaanka Dowladda Puntland wuxuu Go,aan ku gaaray in dhismaha dowlad Gobaleed aan waafaqsanayn dastuurka federalka qodobka 50-aad farqadiisa lixaad oo ah labo gobalka iyo wixii ka badan aysan Puntland aqoon sanayn.

5- Baarlamaanka Dowladda Puntland wuxuu dib u eegis ku samaynayaa kalfadhiga bisha october hadii dowladda federalka ku adkaysato wax ka badalka dastuurka iyo hishiisyada la galay Baarlamaanka Dowladda Puntland wuxuu go,aan ka gaari doonaa sii wada shaqaynta dowladda federalka.

Halkan ka dhagayso kana akhriso go’aankii Baarlamaanka Puntland ee ay Warbaahinta Puntlandes ka diyaarisay

Kulanka GAAS & C/kariim?

Warar ay ka helayso Warbaahinta Puntlandes magaalada Kismaanyo ayaa waxay sheegayaan inay kulmi doonaan madaxsweynaha maamulka aan Dastuurka waafaqsanayn C/kariim iyo madaxweynaha Puntland GAAS waxaana la iswaydiinayaan waa maxay SHARCIYADA uu u haysto madaxweyne GAAS inuu la kulmo ama kala hadlo aayaha Soomaaliya C/kariim?

78g

GAAS waxa uu u bareeray isagoo Qancinaya Kooxda DAMUL JADIID inuu jabiyo Sharciyada u taalay Puntland, waxayna tani ay God ku tuuraysaa dawaladnimadii Puntland. Maxay tahay Soomaalinimada uu GAAS noogu sheekaynayo oo uu ka doonay C/kariim iyo Kooxda DAMUL JADIID? GAAS ma oga miyaa iyo Shacabka reer Puntland ay garanayaan Cidda soomaalinimada laga raadinayo iyo kuwa diidan Soomaalinimada ee Kooxda DAMUL JADIID!!

1

Haddii ay noqotay inta uu Xillka hayey GAAS waxa kaliya ee ay dhagaha shacabka reer Puntland maqlaan sidatan:

  • Ku tumasho Sharci
  • Mushaar la’aan
  • Ciidam Mushaar la’aan ka Gadooday
  • Daabicid lacag FAALSO ah
  • U Adeegid KOOXDA DAMUL JADIID
  • Dawlad go’aan soo saarta kadibna ka noqota
  • Magacii & haybadii Puntland oo HOBOl dheer lagu tuuray
  • Baarlamaan FADIID ah oo aan Awood u layn inuu wax ka qabto Sharci darada uu GAAS wado

Waxaa su’aali ka taagan tahay waxa la gudboon shacbiga Puntland? Puntland GAAS ma leha siduu doonana kama yeeli karo, waa in taas Qof walba oo reer Puntland ah uu ogaadaa. Heshiiska uu GAAS Kismaanyo kula galayo Kooxda DAM JADIIDNA isaga kaliyey ku gooni tahay ee ma khusayso reer Puntland.

Puntlandes.com

About The Author