Daawo Video: Prof Galayr oo Cadeeyey inuu wadahadal la galayo Somaliland

13 Sep 2015 (Puntlandes) Prof Cali Khaliif Galayr oo ah madaxweynaha maamulka Khaatumo uuna labadii todobaad ee u dambeeyey uga socday shir Tuulada Balicad isaga iyo taageerayaashiisa ayaa waxa uu ku dhawaaqay inuu wadahadal la galayo Somaliland uuna Guddi u saarayo u qaabilsan wadahadlkaasi.

Prof Galayr ayaa amaanay doorkii Siyaasadeed iyo miisaankii uu lahaa AUN Fu’aad Aadan Cadde oo dhawaan ku geeryooday Hargaysa, isagoo Prof Galayr uu yiri  “wixii uu dadka u ahaa wixii CAQLI iyo XIKMAD leh waa ogyihiin, wixii meelahaa ka YUUSAANA iyagay u taalaa” tani waa CALAAMAD uu Prof Galayr ku muujinayo inuu reer Hargaysa yahay amaanta AUN Fu’aad oo waligiis aan ka tagin Hargaysa.

78d

Waxyaalaha kale ee ku cusbaa Khudbada Prof Galayr waxaa ka mid ahaa inuu HABAAR ula istaagay dadka Siyaasadiisa HARGAYSA jacaylka ah kasoo horjeeda ee u dhashay Degaanada SSC taasoo ah wax aan lagu aqoon Siyaasiyiinta Soomaalida!!!CAJIIB

Daawo Khdbadii Prof Galayr ee Balicad

Dhanka kale waxaa isna halkaas ka hadlay Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad oo sidii caadada u ahayd weeraray dawladda Puntland isagoo ku eedeeyey Puntland inay Beeshiisa ku dhacayso Lacagta Faalsada ee ay daabacday. Wuxuu kale oo ku eedeeyey inay Puntland Warqadaha Beenta ah ay CARUURTOODA ku qoranayaan oo Ciidan kaga dhiganayaan.

Puntlandes.com

About The Author