Madaxweyne Deni oo sheegey in aanu mar kale musharrax u ahayn Puntland

1a1a1

09 Aug 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni oo ka hadlaya Gaalkacayo ayaa sheegey in aanu mar kale musharrax u ahayn Puntland, isla markaasna uu dhisayo qofka xisbiga xukuumadda ee Kaah sharraxo.

Madaxweynaha ayaa sheegey in dastuurka Puntland dhigayo in 2 jeer la dooran karro madaxweynaha, ayna 2 sano iyo Kalkoos uga harsan tahay, balse wuxuu sheegay in xisbigiisa Kaah Musharax sharaxayo.

“Dastuurku laba jeer ayuu ii oggol yajay hoggaanka Puntland, labadii jeerna waan lay doortay, laba sanno ayaa ii hadhay, ninka doonaya xilka ha iskeeno doorasho xor ah oo waqtigeeda ku dhacda, xisbigeenna musharrax ayuu yeelanayaa oo aan dhiseynaa.”

Hadalkan ayaa meesha ka saaraya, hadal-hayn ka taagnayd furista Dastuurka Puntland, iyada oo mucaaridka ay ka weleelsanaayeen in mar saddexaad uu xilka ku soo laaban karo Deni.

Waxa la wada filayaa in Madaxweyne Deni uu u taagan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaa se goorhoreba bilaaban doona loolanka cidda Deni u dhisi doono Puntland, 2029-ka

About The Author