Ciidanka Itoobiya oo si rasmi ah uga baxay magaalada Istaraajiga ah ee Buurhakaba gobalka Baay
10 Aug 2026 (Puntland.com) Ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika AUSSOM ayaa si rasmi ah uga baxay magaalada Istaraajiga ah ee Buurhakaba gobalka Baay, Koonfur Galbeed.
Ciidama Itoobiya ayaa waxay gacanta ku hayeen laga soo bilaabo 2014kii oo ay masuuliyada amniga degmadan la wareegeen ilaa maanta oo ay ka baxeen.
Sida xogaha cadeynayaan 3 magaalo oo ah kuwa waa weyn ayay ciidamada AUSSOM baneyn doonaa asbuucyada fooda nagu soo haya, taas oo masuuliyad weyn kusiideynaysa dowladda Faderaalka, xili ay dalbanayso in bixitaanka ciidanka dib loo dhigo ilaa 2 sano, laakiin dhaqaale darro xoogan ayaa jirta.