SAWIRRO: MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO KORMEERAY QAAR KA MID AH MASHAARIICDA HORUMARINEED EE KA SOCDA DEGMADA BURSAALAX

1a1a2

13 Aug 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga degmada Bursaalax ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah mashaariicda horumarineed ee ka socda degmadaasi.

Meelaha uu kormeeray Madaxweynuhu waxaa ka mid ah mashruuca tamarta cadceedda ku shaqeeya ee korontada laga dhaliyo, kaas oo faa’iido weyn u leh bulshada degmada Bursaalax, xarunta xannaanada xoolaha ee degmada, halkaas oo ay ka socdaan dhisme iyo qalabayn muhiim u ah xoolo-dhaqatada reer Bursaalax iyo guud ahaan Gobolka Mudug. Xaruntan ayaa xoolaha siin doonta adeegyo caafimaad, daryeel iyo nafaqo.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa booqday Beerta Cigaal farm, oo ah beer lagu beeray noocyo kala duwan oo dalagyo ah, waana qeyb ka mid ah wax-soo-saarka degmadu u iibgeyso Gobollada Puntland, Madaxwehnaha oo warbixin ka dhegaystay Mulkiilaha Beerta ayaa boggaadiyey in bulshada lagu dhiirigeliyo Beeraha iyo soo-saarka cuntooyinka muhimka u ah nolosha bulsho kasta.

About The Author