Muuqaal-Sawirro: Wasiirka Beeraha Puntland oo ka daahfuray Gaalkacyo olole wacyigelin & calaamadeyn ah oo laga bilaabay goobaha loo qorsheeyay in laga fuliyo mashruuca biyo-saarka Gaalkacyo
17 Aug 2026 (Puntland.com) Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa ka daahfuray olole wacyigelin iyo calaamadeyn ah oo ay Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ka bilowday goobaha danta guud iyo meelaha loo qorsheeyay in laga fuliyo mashruuca biyo-saarka magaalada Gaalkacyo.
Ololahan ayaa qeyb ka ah qorshe ay Dowladda Hoose ku wacyigelineyso bulshada, isla markaana lagu calaamadeynayo goobaha loo qorsheeyay in laga baneeyo dhismayaasha, si loo dardar-geliyo hawlaha la xiriira mashruuca xal u helidda biyo-saarka magaalada.
Wasiirka ayaa waxaa kala qayb galay maamulka Gobolka Mudug, injineerro, agaasimayaal ka tirsan Dowladda Hoose iyo qeybaha kale ee dowladda, kuwaas oo si wadajir ah uga qeybqaadanayay wacyigelinta bulshada iyo calaamadeynta goobaha uu mashruucu saameynayo.
Mashruuca biyo-saarka Gaalkacyo ayaa muhiimad gaar ah u leh bulshada magaalada, waxaana dowladda ay waddaa dadaallo lagu xaqiijinayo in la helo xal waara oo wax looga qabanayo baahida biyaha ee magaalada.
Mas’uuliyiinta ayaa bulshada ugu baaqay inay si wanaagsan ula shaqeeyaan hay’adaha dowladda, ayna fahmaan muhiimadda ay leedahay ilaalinta goobaha danta guud iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee loogu adeegayo bulshada.
























