Sawirro: Madaxweyne Deni oo caawa xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan kula qaatay qaar ka mid saraakiisha Ciidanka Dowladda Puntland ee ku sugan Gobolka Mudug
17 Aug 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid cabdulaahi Deni ayaa caawa xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacyo, kulan kula qaatay qaar ka mid saraakiisha Ciidanka Dowladda Puntland ee ku sugan Gobolka Mudug.
Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland Gen Aaden Cabdi Xaashi, Taliyeyaal ay ku jiraan qaar kamid ah saraakiishii dhawaan dibu-habeynta lagu sameeyey dibna ugu biiray ciidanka Puntland horeyna u sheegtay in ay maamulka Xasan Sheekh katirsan yihiin.




