Sawirro: Guddiga Horumarinta Gaalkacyo oo qabtay kulan ay ugu mahadceliyeen wasiirrada, xildhibaannada, shirkadaha, shaqsiyaadka & bulshada ka qayb qaatay hirgelinta mashruuca biyo-saarka

1a1a1

17 Aug 2026 (Puntland.com) Guddiga Horumarinta Degmada Gaalkacyo ayaa qabtay kulan ay ugu mahadceliyeen wasiirrada, xildhibaannada, shirkadaha, shaqsiyaadka iyo bulshada ka qayb qaatay hirgelinta mashruuca biyo-saarka magaalada.

Guddigu waxa uu sidoo kale shirkadaha iyo ganacsatada kale ugu baaqay inay ka qayb qaataan mashruuca, si loo dardargeliyo hirgelintiisa.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux oo matalaya Wasiirradii ka qayb qaatay mashruuca biyo-saarka Gaalkacyo ayaa wuxuu Guddiga Horumarinta Degmada Gaalkacyo ka guddoomay shahaado sharaf iyo mahadcelin.

“Biyo-saarku waa arrin muhiim u ah horumarka iyo nolosha bulshada Gaalkacyo. Sidaas darteed, waxaan ku boorrinayaa shirkadaha, ganacsatada, qurba joogta awoodda u leh inay sii xoojiyaan taageerada ay u fidinayaan mashruucan.

Waxaan bogaadinayaa Guddiga Horumarinta Degmada Gaalkacyo iyo dhammaan intii door ka qaadatay hirgelinta mashruucan muhiimka ah” wasiirka Beeraha ayaa qoraal ku yiri.

About The Author