Professor Cabdiqani Axmed farax Dala’aan (PhD) oo Casuumad Ka Helay Viikki Tropical Resources Institute (VITRI) ee Jaamacadda Helsinki

Waxaa taariikhdu markey ahayd shantii bishan September booqasho ku yimid magaalada Helsinki ee dalkan Finland Professor Cabdiqani Axmed farax Dala’aan (PhD) oo ah hormuudka kuliyadda culuunta sayniska oo ka kooban Machadka Culuunta Degaanka ee somaliya iyo kulliyadda caafimaadka ee jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Garowe. Dr cabdiqani wuxuu Casumaad ka helay  Viikki Tropical Resources Institute (VITRI) ee Jaamacadda Helsinki si uu uga jeediyo muxaadaro (Guest Speaker) isugu jirta Jaamacadda bariga Afrika iyo machadka degaanka iyo cilmi baaris uu ku sameeyey dowrka ay Dhuxushu ku leedahay xaalufinta degaanka gaar ahaan Puntland iyo guud ahaan Somaliya.

 

Intuu halkaa joogey wuxuu Dr cabdiqani la kulmay haya’dda u qaabilsan dhisidda shaybaarka jaamacadaha wadamada Afrika iyo kuwa dhaca dhulbaraha. Wuxuu sidoo kale booqadho ku sameeyey jaamacadda Helsinki iyo shaybaaradda machadka degaanka ee jaamacadaas.  Sidookale waxaa iyguna ku martiqaadey xaruntooda dalladda Finish Somali Network oo uu muxaadaro taa lamid ah u  jeediyey.

 

Wuxuu sidoo kale Dr Cabdiqani la kulmay, intuu joogay magaalada Helsinki Qurba-joogta  Puntland ee dalkaasi Finland. Kuwaas oo iyagu si diirran ugu soo dhoweeyey dalkaas.

Jaaliyadu waxay siiyeen professor-ka warbixin ku saabsan guud ahaan xaalada iyo nolosha jaaliyadda Puntland ee Finland. Wuxuu Dr Cabdiqani uga warbixiyey jaaliyadda guud ahaan xaaladda Puntland iyo gaar ahaan tan waxbarashada heerka jaamacadeed ee Puntland.

 

Waxaa kaloo casho sharaf u sameeyey Professor Marja Tiilikainen oo ay goob jog ka ahaayeen Anna Diallo oo ka socotay Finish Somali Network iyo Professor Olavi Luukhanen oo ka socday Viikki Tropical Resources Institute (VITRI) iyo Wakiilka Puntland u Fadhiya Finland Mudane Abdifatah Janagale iyo  Qurba-joogta Puntland ee Finland.

 

Puntlandes.com

About The Author