Musliminta degan degmada Stange gobolka Hedmark ee dalka Norway oo helay Qabuuro u gaara

13 Sep 2015 (Puntlandes) Waxaa xarigga la jaray qubuuro  ay muslimiintu gaar u leeyihiin ,degmada Stange Gobolka Hedmark ee  waddanka Norway), waxaan qorshahaan, lasoo bilaabay  sannadkii 2009, Cabdirisaaq Cali Sanweyne oo  ah  xildhibaan Gollaha deegaanka degmada Stange Gobolka Hedmark,ahna  Gudoomiye ku xigeenka xisbiga shaqaalaha degmada Stange,  ayaa kaalin weyn ka qaatay  hirgalinta Qabuurahaan muslimiintu heleen..
79c
Xildhiban Cabdirisaq oo kamida Guddiga qorsheynta degmada Stange(city planing) ayaa wuxuu   yiri waxaan fursad u sii helay inaan hawshii sii riixo intii karaankeyga ah, waxaana hawsha ila waday golaha Muslimiinta), Gobolka Hedmark, sidaas waxaa yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Cali sanweyne oo ah ku xigeenka   Guddoomiye ku xigeenka xisbiga shaqaalaha degmada Stange..
Ugu dambayntiina  dadkii hoggaaminayey,hawshaas ayaa ku guuleystay  ilaahay fadligiis bishii december 2014, oo la` ansixiyey in hawshaas la qabto . golihii deegaanka degmada Stange waa isku raaceen in hawshaas la fuliyo, hawshii waxay soo gabagabwday 09.09.2015 in la furo qubuurahaas), oo muslimiinta u gaar ah waxaana loo bixiyey Gravslund ottestad..
Puntlandes.com

 

About The Author