Afar qof oo watay saxiimad oo lagu diley duqeyn ka dhacday xeebta Garmaal ee Gobolka Nugaal
18 Aug 2026 (Puntland.com) Afar qof oo watay saxiimad ayaa lagu diley duqeyn ka dhacday xeebta Garmaal ee Gobolka Nugaal, halkaas oo kooxo Soomaali ah ku haystaan ilaa laba markab, sida ay sheegeen dadka deegaanku.
Afarta qof oo ahaa dhallinyaro ayaa dhintay, xilli ay ku sii jeedeen maraakiibta oo la kala dhoho M/V Lutuf & Sward oo halkaas lagu haysto.
Burcad-badeeda qabsanaysa maraakiibta kana dalbanaysa lacagta badan ayaa muddooyinkan danbe ku batay xeebaha bari ee Soomaaliya, inta lagu jirey xiisadda Bariga-dhexe, iyada oo dalalka maraakiibta leh oo u badan kuwa Aasiya aysan bixin lacag.