Sawirro: Agaasimaha Guud oo Kormeer Shaqo ku Tagay Dhismaha Xarunta Caafimaadka Xoolaha ee Bursaalax ee Gobolka Mudug (Bursalah Veterinary Clinic)

1a1a3

19 Aug 2026 (Puntland.com) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland, Mudane Xasan Maxamed Ciise (Goodir), oo ay weheliyeen Lataliyaha Wasaaradda ee Mashruuca FSRP, Dr. Maxamed Fuaad Warsame, iyo Isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Mudug, Salaad Cali Xuseen, ayaa kormeer shaqo ku tagay dhismaha Xarunta Caafimaadka Xoolaha ee Bursaalax ee Gobolka Mudug (Bursalah Veterinary Clinic), oo laga hirgelinayo Mashruuca FSRP, kaas oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka.

Xaruntaan ayaa ka mid ah mashaariic uu qorsheeyey xilligii uu Wasiirka Beeraha Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux uu ahaa wasiirka Xanaanadda Xoolaha.

Xarunta laga hirgeliyey Degmada Bursaalax, oo ah xarun dhammaystiran, waxay ka kooban tahay laba qaybood oo muhiim ah: Xarunta Maamulka Wasaaradda ee degmada iyo Xarunta Caafimaadka Xoolaha (Veterinary Clinic), oo si heer sare ah loo diyaariyey looguna talagalay bixinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka xoolaha. Marka la dhammeystiro, xaruntu waxay kor u qaadi doontaa awoodda Wasaaradda ee ka-hortagga iyo la socodka cudurrada, daryeelka xoolaha iyo gaarsiinta adeegyo caafimaad oo tayo leh xoolo-dhaqatada Degmada Bursaalax iyo deegaannada ku xeeran, kuwaas oo xooluhu u yihiin isha ugu muhiimsan ee noloshooda iyo dhaqaalahooda.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa ku ammaanay halka ay marayso shaqada dhismaha xarunta, oo haatan maraysa heer gabagabo ah, isagoo ku bogaadiyey shirkadda dhisaysa xarunta shaqada wanaagsan ee ay qabatay. Wuxuu sidoo kale kula dardaarmay shirkadda inay dardargeliso howlaha haray, isla markaana dhismaha ku soo gabagabayso muddadii loogu talagalay, iyadoo raacaysa naqshadda iyo habraaca lagu heshiiyey.

default
default

About The Author