Sawirro: Madaxweyne Deni oo kulan qado & is-xogwareysi ah laqaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Mudug
19 Aug 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan qado iyo is-xogwareysi ah la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Mudug, iyadoo ay munaasabadda ka qeybgaleen Xubnaha Goleyaasha Dowladda, masuuliyiinta Degmada iyo Gobolka, iyo saraakiisha ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland ee ku sugan gobolka Mudug.
Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Gobolka Mudug, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Arrimaha Bulshada iyo Mashaariicda horumarin ee ka socda degmada Gaalkacyo iyo guud ahaan degmooyinka Gobolka Mudug.






























