Sawirro: Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ee Gobolka Mudug oo tababar looga furay
19 Aug 2026 (Puntland.com) Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ee Gobolka Mudug, ayaa maanta tababar looga furay xarunta Wasaaradda, shaqalaha oo ka kooban dhammaan qaybaha Wasaaradda ee gobolka.
Tababarkan ayaa ku saabsan casharo la xiira shaqooyinkooda kala duwan si aqoontooda kor loogu qaado waxaana daah-furka tababarka Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug, waxaana ka qaybgalay Maamulayaasha Cashuuraha beriga iyo furdooyinka Gobolka.
kaaliyaha xisaabiyaha, Madaxa Tababaradda wasaaradda iyo iyo masuuliyiin kale.
Xisaabiyaha ismacil C/nuur Geesey ayaa shaqaalaha kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan casharada la siinayo ilaaliyaana waqtiga iyo qaadashada casharada muhiimka ah,
Waxaa xusid mudan in tababarkan ay bixinayaan Macallimiin aqoon duragan uleh casharada kala duwan ee ay bixinayaan.













