Sawirro: Gaalkacyo oo si rasmi ah u bilowday burburinta guryaha Boqolka ee ku yaalla Suuqa Xero-Dayax, halkaas oo laga bilaabayo wajiga koowaad ee Mashruuca Biyo-saarka Gaalkacyo.
20 Aug 2026 (Puntland.com) Dawladda Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo saaka si rasmi ah uga bilowday burburinta guryaha Boqolka ee ku yaalla Suuqa Xero-Dayax, halkaas oo laga bilaabayo wajiga koowaad ee Mashruuca Biyo-saarka Gaalkacyo.
Maamulka Degmada Gaalkacyo ayaa goor dhow soo saaray ogeysiiska tartanka shirkadaha loo qabanayo fulinta mashruucan, kaas oo loo qorsheeyay lacag ku dhow hal milyan oo dollar.
Si kastaba ha ahaatee, Mashruuca Biyo-saarka Gaalkacyo ayaa ah mid bulshada gobolka Mudug, gaar ahaan dadka ku nool Gaalkacyo, ay baahi weyn u qabaan. Mashruucan ayaa wax weyn ka tari kara caqabadaha ka dhasha roobabka, xilliyadaas oo ay biyuhu galaan goobaha muhiimka ah ee magaalada, sida isbitaallada, goobaha waxbarashada, xarumaha caafimaadka iyo goobaha ganacsiga.




