Dhagayso: Ciidamadii Fariisinka ku lahaa Tuulada Godod oo qabsadey Goobo muhiima oo uu Bangiga Galkacayo ka mid yahay!!

17 Sep 2015 (Puntlandes) Ciidamada uu fadhigoodu ahaa Tuulada Godod ee ku taal meel qiyaastii magaalada Gaalkacyo u jirta 30km ayaa maanta waxay qabsadeen goobo muhiima oo ku yaala magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

82e

Sida ay wararka ku heshay warbaahinta Puntlandes Ciidamadan ayaa saaka aroortii hore soo galay magaalada Galkacayo, waxayna qabsadeen goobo muhiim ah sida Bangiga dowlada,  Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug iyo meesha uu dhismuha Madaxtooyada Cusub ee Gobolka ka socdo.

Ciidamadaan difaaca uga jiray Tuulada Godod ayaa ka cabanaya mushahar gaaraya Todobo bilood oo ay sheegeen inuu ka maqan yahay. Cabdinuur Cabdullaahi oo sheegtay inuu yahay taliyaha ciidamada ayaa ku hanjabay inay Xoog kula baxayaan Mushahaarka ka maqan haddii aan waxooda la siin.

Qabsashada ay Ciidamadani qabsadeen Goobaha Muhiimka ah ee dawladda Puntland ee ku yaala magaalada Gaalkacyo ayaa kusoo aadaysay isagoo uu magaalada Gaalkacyo ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland cabdiwali Maxamed Cali GAAS.

Dhanka kale Gadoodkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo maalmo ka hor ay Ciidamo ku kala suagan magaalooyinka Bosaso iyo Garowe ay Gadood sameeyeen iyagoo ka cabanaya  Mushahaar la’aan.

Dhagayso Cabdinuur Cabdullaahi

 

Puntlandes.com

About The Author