Daawo Sawiro-Video-Dhamaystiran: Isku daygii lagu Guulaystay ee Mashruuca Horumarinta Buursaalax

17 Sep 2015 (Puntlandes)  Magaalada Bursaalax oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxay gaartay 14kii sano ee u dambeeyey horumar aad u balaaran oo ku saabsan dhanka Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Arrimaha Diinta, Beeraha iyo Adeegyo kale oo Bulsho ay u baahan tahay si ay u HIIGSATO berri maanta ka fiican.

Dhamaan Horumarkan ayaa ku yimid isku tashi ay sameyeen bulshada magaalada Bursaalax ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibadiisa.

Arrimaha Horumarka ee ka socda magaalada Bursaalax ayaa waxaa maamula Mashruuca Horumarinta Bursaalax oo ay qurbo joog u dhalatay magaalada Bursaalax  iyo Goboloo dibada dalka ku nool ay soo wadeen laga soo bilaabo 1999kii.

Waxaa barnaamijkan kaga hadlaya Guulaha laga gaaray Mashruuca Horumarinta Bursaalax Mas’uuliyiin badan oo uu ka mid yahay Wasiirka Degaanka Puntland Cali Cabdulaahi Warsame oo Sheegay in Mashruuca ay ku faanto Puntland meelo badana looga dayday, uuna soo saaray dad badan oo waxbartay.

Wasiirka Wasaarada Haweenka Puntland Marwo AnisaC/qaadir Xaaji Muumin ayaa iyana aad u amaamtay dadkii kasoo qayb qaatay Mashruuca kuna guubaabusay ardayda ka faa’iidaysta Waxbarashada uu Mashruusu bixiyo inay ku dadaalaan waxbarashada dhisaana Mustaqbalkooda.

2

Amiir Maxamuud Ciise Yuusuf oo ka mid ahaa dadkii Qurbo jooga ahaa ee wax ka aasaasay Mashruuraca Horumarinta Bursaalax oo ka hadlaya taariikhda Mashruuca iyo Guulaha laga gaaray ayaa yiri ”Adaydii aanu ku bilownay waxay ahaayeen 75 Arday, baadiye ayaa laga soo ururiyey, maanta iyagoo Jaamacado ka baxay ayey waxay Macalimiin ka yihiin Mshuruuca, Ilaah baa Mahada iska leh Mashruucaan waa lagu guulaystay” Amiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu Mashruucaan uu bayaamiyey in Bulshadu wax badan iska kaashan karto haddii ay isku tashato.

Waxay Warbaahinta Puntlandes usoo gudbinaysaa Akhristayaasheeda Docementry ka hadlaya Mashruuca Horumarinta Bursaalax, sida loogu guulaystay Mashruucaas iyo Horumarka laga sameeyey BurSaalax, waxaana diyaariyey Kooxda Koor Films ee Puntland.

Daawo Barnaamijka oo dhamaystiran

Daawo sawiro
1

2

2a

3

3a

4

5

6

7

8

9

10

11

25
Puntlandes.com

About The Author