Sawiro: Ugaas Maxamuud oo deegaanka Daarasalaam qado sharaf ugu sameeyay madaxweyne GAAS iyo Isimmada Gobolka Mudug

19 Sep 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay deegaanka Daarasalaam ee Gobalka Mudug kaga qeyb galay qado sharaf uu u sameeyey  ugaaska  beesha reer Fiqi Ismaacil (Leelkase),Ugaas Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir Shoole.

Madaxweynaha iyo wefd balaaran oo uu hogaaminayey ayaa markii ay gaareen deegaankaasi waxaa si habsami leh u soo dhaweeyey Waxgarad, Isimo, Cuqaal, Haween iyo dhalinyaro watay calanka Puntland iyo caleemo qoyan.

Soo dhaweyn kadib ayuu madaxweynuhu waxaa uu deegaankaasi ku abuuray geedka Nabadda iyo Horumarka oo qeyb ka qaadanaya bilicda Deegaankaasi, waxaana uu sidoo kale dhagax dhigay Xarunta Booliska ee deegaanka Daara-salaam oo lagu dhisayo Barnaamijka isku tashiga Puntland.

Qado sharafta ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad, Cuqaal, Nabadoono, Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale oo lagu martiqaaday qada sharafta uu Ugaas Maxamuud Shiikh Cabdulqaadir Shoole u sameeyey Madaxweyne Gaas.

Ugaas Maxamuud Shiikh Cabdulqaadir Shoole ayaa ku soo dhaweeyay deegaanka Daarasalaam madaxweynaha dowladda Puntland iyo isimmada gobolka Mudug

Isimmada hadallada jeediyay waxaa ka mid ahaa, Suldaan Axmed Cabdulle, Amiir Maxamuud Yuusuf,Ugaas C/jaliil Cali,Suldaan Maxamed Xasan Baalle,Ugaas C/qaadir cilmi,Islaan Xasan Cigaal,dhammaantod waxaa ay Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ku amaaneen dadaalka horumarineed ee ay dalka kawadaan gaar ahaana Gobalka Mudug.

Ugu dambeyntii,madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay goobta ay qado sharaftu ka dhacday ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan mashaariicda horumarineed ee guud ahaa dalka ka socda , gaar ahaana Gobalka Mudug oo qaaday dhabada wanaaga iyo horumarka .

‘Waxaan rabaa inaan ka mahadnaqo taageerada loo muujinayo Barnaamijka horumarinta , runtiina wanaag badan ayey dadku noo muujiyeen , taageerada shacabka iyo isimadana waan ka mahadcelin ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13
Xigasho Raxanreeb
 

About The Author