FAALO: Safarka GAAS ee Xamar waa mid Puntland lagu Ciyaarayo

19 Sep 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS oo aadka u caashaqsan Magaalada Xamar ee Xarunta Gobolka Banaadir iyo Kooxda ka talisa Villa Somalia ee DAMUL JADIID ayaa maanta u Safray magaalada Xamar ee xarunta Gobolka Banaadir kadib markii uu Xasan Shiikh u yeeray.

GAAS ayaa waxaa u yeeray Nadaxweynaha dawladda Xamar Xasan Shiikh isagoo doonaya inuu ka TIIMBARAYSTO GAAS iyo Axmed Madoobe Qorshaha uu doonayo in dib loogu doorto Kursiga Villa Somalia kaasoo ay Beesha Caalamka ee taageerta dawladda Xamar ay u qorshaysay in doorasho nooceeda Xasan Sheekh ay ka sugayaan ay dhacdo Agoosto 2016ka.

GAAS ayaa xataa sugi waayey inuu Xamar u duulo Berri subax iyadoo uu Xasan Shiikh ku amray inuu deg deg isaga soo xaadariyo magaalada Xamar ee xarunta Gobolka Banaadir.

14e

Waxaa Xusid mudan GAAS oo shacabka reer Puntland qaldaya inuu waraaq kasoo saaray Kismaanyo in Shirku ka dhacayo Kismaanyo iyo QORAAL aan mudnayn in laga hadlo oo isna marin habaabin ah, Caruurtana aan loogu sheekayn karin, kaasoo Cinwaankiisu ahaa ”Dawladdaha Puntland iyo Faderaalka oo Kismaayo kaga dhawaaqay shir Wadatashi ah”

Waa su’aale xaggee ku dambeeyey? Maxaa lagu sameeyaa haddii uusan GAAS uba dhaqmayn sidii mas’uul ah madaxweyne dal ee ..?

Khuburo GAAS dhaqankiisa ku takhakhusay ayaa Warbaahinta Puntlandes u sheegay inay hubanti ahayd xataa haddii uusan tagin Shirka Xamar inuu u saxiixi lahaa Qorshaha uu Xasan Shiikh wato, sidii uu kii 29-30ka july ugu ogolaaday!!!

Dawladda Xamar ayaa ka baxday Xayndaabkii ama Dastuurkii ay ummadda Soomaaliyeed ku Heshiisay iyadoo Puntland ku haysay dagaal dhan walba ah, ayna Xukuumadda GAAS iyo Baarlamaankiisu kasoo saareen go’aamo ku sheegyo uu doonayey GAAS inuu markaas shacabka ku marin habaabiyo waxayna kala yihiin:

Go’aankii Baarlamaanka: ee lagu diiday in dawlad goboleed Puntland u aqoonsato maamulka C/kariin ee cadaado lagu dhoodhoobay

Go’aankii Gollaha GAAS: ee lagu diiday in dawlad goboleed Puntland u aqoonsato maamulka C/kariin ee cadaado lagu dhoodhoobay

Go’aankii Baarlamaanka: ee lagu diiday in wada shaqayn ah dhex marto Puntland iyo dawladda Xamar inta laga soo celinayo Dastuurkii saxa ahaa  

Go’aankii Baarlamaanka: uu ku diidauy Guddiyada madaxa banaan ee ay dawladda xamar isaga dhawaaqatay, sida kan DOORASHADA & kan Xudduudaha

Go’aankii Gollaha GAAS: uu ku diidauy Guddiyada madaxa banaan ee ay dawladda xamar isaga dhawaaqatay, sida kan DOORASHADA & kan Xudduudaha

Go’aankii Baarlamaanka/ Go’aankii Gollaha GAAS: ee ku saabsanaa Qaybsiga Deeqaha Beesha Caalamku Soomaaliya ku deeqdo iyo kuwo kale oo badan.

Daawo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo sheegaya cida Puntland ku macaashtay ay tahay Xamar, Guddoomiyaha ayaa yiri “Puntland kama aysan helin Xamar Abaalkii ay u gashay”

GAAS ayaa berri hor fariisanaya C/kaiim Xuseen Guuleed oo marna sheeganaya dhul Puntland marna dawlad Goboleed ku sheegtay Gobol iyo bar, aan waafaqsanayn Dastuurkii ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay, iyadoo Dastuurku qorayo labo Gobol iyo wixii ka badan ayaa dawlad Goboleed noqon kara.

GAAS lama yaqaan cida uu u shaqaynayo waxaana muuqata inuu daacad u yahay Kooxda Xasan Shiikh, isagoo ku Ciraaray dawladnimadii iyo haybadii Puntland. Ma muuqato cid la XISAABTAYSA GAAS waxaana uu Puntland ka dhigtay Shirkad yar oo uu isagu leeyahay, siduu doonana ka yeeli karo.

GAAS Qodob uusan jabin Dastuurka Puntland waaba yar yahay marka haddii aysan Sharciyadii dawladnimada meeshaba oolin GAAS na uusan u hogaansamayn Xerarka iyo Dastuurka Puntland dawladnimadu maxay tahay!!!

Puntlandes.com

About The Author